WAJAALE NEWS

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Ka War Bixiyey Dab Ka Kacay Studio-yaha Idaacada Radio Hargeysa.

Cabdiwaaxid.jpgHargeysa(Wajaalenews):-Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta  wacyi gelinta iyo dhaqanka somaliland CabdiWaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan ayaa ka war bixiyey dab saaka ka kacay Studio-yaha idaacada Radio Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka oo warbaahinta la hadlay ka dib markii lagu guulaystay bakhtiinta dabkaasi ayaa waxa uu sheegay inaanu dabkaasi keenin wax khasaare ah oo gaadha qalabkii yaalay Studio-yaha Idaacada Radio Hargeysa, waxaanu mahad celiyey dadkii kala qayb galay bakhtiinta dabkaasi.

Ugu horayn wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta oo ka hadlaya dabka ka kacay Studio-yaha idaacada Radio Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “Waxa maanta dhacay dabyar oo ka kacay studio-yaha idaacada Radio Hargeysa saacadu markii ay ahayd 9:30 ilaahay ayaa mahad leh isla markiiba waa lagu guulaystay in la bakhtiiyo, waxaanan filaynaa

inuu ahaa shoodh ka kacay, wax khasaare ahna haba yaraatee kamuu dhicin,qalabkii meesha yaalay, cajaladihii, kuraastii iyo wax kasta oo studio-yaha yaalay way ka bad baadeen, dabkaasina wax daqiiqado ah ayuu socday, qiiq ayuunbaa kacay xataa olol muu dhicin  si fiicana waa loogu soo gurmaday.”

Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanu dabkaasi keenin wax khasaare ah waxaanu mahad dadkii kala qayb galay in la bakhtiiyo dabkaasi waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa shaqaalaha kala duwan ee wasaarada warfaafinta, waxa kale oo aan u mahad celinayaa dawladda hoose oo dam damis noo soo dirtay iyo ciidamada boolisa iyo madax gobolka, runtiina wax weyn may ahayn ilaahay ayaana nagu guuleeyey   hawshaasina way dhamaatay shaqadii wasaaraduna sideedii ayey u socotaa, haba yaraatee wax khasaare ah oo la sheegi karo oo halkan ka dhacayna ma jirto, dabkuna sida aynu ognahay meel walba wuu ka kici karaa waana wax dabiiciiyin ah laakiin waxa maanta guul noo ah inaanu dabkaasi wax khasaare ah gaysan shaqadii wasaaraduna sideedii ku socoto.”

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email.habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version