WAJAALE NEWS

Safiiradda Ingiriiska Iyo Maraykanka u Fadhiya Kenya & Itoobiya Oo Berbera Madaxweyaha Siilaanyo Kula Kulmaya

Hargeysa(Wajaalenews)Safiirka Ingiriiska ee u fadhiya Addis ababa iyo ka Maraykanka u fadhiya Nairobi ayaa ku sugan caasimada Hargeysa, waxaanay kulamo la leeyihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis.

Labada Safiir ayaa kulanka maanta kadib waxa ay magaalo Xeebeeda magaaladda Berbera kulan kale maalinta Berri ah kula yeelan doonaan Madaxweyne Siilaanyo, halkaas oo la isku dhaafsan doono Xogo qarsoodi ah.

Kulanka labada dhinac ayaa ka dhici doona Markab dushii sida ay Waaheen wararka ku helayso, waxaanu la mid noqon doonaan kii ay sanadkii hore labada dhinac ku yeesheen mid ka mid ah Maraakiibta dagaalka eek u sugan Biyaha Badda Cas.

Illaa hada ma jiraan Xogo faahfaahsan oo ka soo baxay kulanka aya Qasriga Madaxtooyadda ku leeyihiin Safiiradda safaaradaha Ingiriiska iyo Maraykanka iyo Madaxda Somaliland, hase yeeshee tibaaxaha soo baxaya waxay la xidhiidhaan Arrimo Siyaasadeed iyo kuwa Amni.

 

Exit mobile version