WAJAALE NEWS

Maxakamadda Gobolka Maroodijeex Oo Xukuntay Wasiir xigeenkii hore Ee Amniga iyo Ilaaladiisa

Hargeysa(Wajaalenews)-Maxakamadda Gobolka Maroodijeex oo muddo waday dacwadda Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdillaahi Abokor ayaa maanta Xukun saddex sano ah ku riday, waxay sidoo kale xukun hal sano ah ku riday Saleeban Cumar Gulleed oo ka mid ahaa ilaaladiisa gaarka ah.

Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii Ciidanka RRU-du gurigiisa ugu daateen wakhti habeenimo ah 30-5-2014.waxaa lagu eedeeyay arimo ka dhan ah qaranka, isagoo ka hor ayaamahaas ku eedeeyay Xubno wasiirada ka mid ah inay xidhiidh la leeyihiin Argagixiso.

Inkasta oo aan fadhiga Maxakamaddu ku xukuntay Wasiir xigeenka loo Ogolayn warbaahinta, haddana Qareenka Cabdillaahi Abokor u doodayay Foosi Sheekh Yoonis Xassan, ayaa sharci daro ku tilmaamay xukunka ku dhacay Wasiirka hore iyo ilaaliyihiisa.

Qareen Foosi waxa uu sheegay inay Rafcaan ka qaateen Xukunkaasi,isagoo Xukun siyaasadaysan oo dabada laga riixayay ku tilmaamay Xukunka Maxakamadda.

Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa ka hor xadhigiisa, waxa uu xukumadda uu ka tirsanaa ku eedeeyay inay ku jiraan Xubno ka tirsan Ururo xag jir ah. Ma jirto cid madax banaan oo eedaymihiisa baadhis ku samaysay balse waxay Xukumaddu si degdeg ah u xidhay Cabdillaahi Abokor.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version