Waxyaabaha ka dhalan kara shaqo la’aanta dhalinyarada jaamacadaha kasoo baxaysa waxaynu ka xusi karnaa
- Tahriibka dhalinyarada: oo mudooyinkan danbe xadhkaha goostay dhalinyaraduna ay shaqo la,aan darteed badankoodu iskaga haajireen wadankoodi kana door bideen bada inay isku tuuraan iyo saxaraha aan wehelka lahayn.
Tahriibku wuxu noqday aafo qaran sanadahan udanbeeyay waxaana ku dhintay in kabadan kumanaan qof, ilaa mantana tahriibku waa dhibaato taagan wax ka qabashadiisuna ay noqotay suaal aan ilaa hadda xal loo hayn, bal ee aad moodaba inaan ahmiyadba lasiin sidii wax looga qaban lahaa iyadoo walibana aynu ognahay xukuumadan manta talada haysa ee kulmiye marki ay mucaaradka ahayd waxay ku ololayn jirtay halkudhiga ah “UDUB way tagaysaaye ha tahriibin walal” laakiin ay xaqiiqadu noqotay tahriibki inuu sidii horeba laba jibaar kasii batay halkudhigiina lagu badalay kan kaloo ah “Tahriibaha mantu wa qurbo jooga baritoole xilalka tirsanaya” Maadaamoo xukuumadu ay lacag badan ku kharash garayso soo dhawaynta qurbo joogta, xaflado waawayn oo loo qabto iyo xilal sare oo lagu maamuuso taasina ay dhalinyaro badan ku dhiiri galisay inay tahriibaan.
- Amni darro:
Baryahan dadnbe waxa bulshada dhexdeeda lagu arkaa dhalinyaro sameeya falal budhcadnimo kuwaasoo dadka jidgooyo kusameeya xiliyada habeenki kana qaada mobilka gacanta iyo hadii uu wax xoogaa lacag ah sito qofkaasi, dhalinyaradani waxay isugu jiraan yar yar iyo waawayn intaba markaan laysd indho tirayna waa waxyaabaha ay keentay shaqo la’aantu waayo qofku markuu noloshiisa kafayn kari waayo waxay ku qasbaysaa inu ta dadka kale ku qabsado sameeyana falal budhcadnimo si uu u noolaado.
LASOCO QAYBAHA DANBE