Dadweynaha Somaaliya ayaa, maalmahan, si isdabajoog ah u eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyagoo ku canbaareeyay mawqifka siyaasadeed ee uu dhowaan iska taagay Qadiyadda Jabuuti markii uu socdaal gaaban ku tegay Asmara, Eritrea. Madaxweyne Farmaajo ayaa Qaramada midoobay ugu baaqay in ay si degdeg ah cunaqabataynta uga qaado Eritrea.
“Waxaa aan ku baaqaynaa in degdeg loo qaado xakamaynta dhaqaale iyo cunaqabataynta lagu soo rogay shacabka Eritrea si loo xaqiijiyay is dhexgalka dhaqaalaha iyo ganacsiga Geeska Afrika,” ayuu ku tiraabay Madaxweyne Farmaajo maalmahii uu ku sugnaa Asmara.
Sidaa awgeed, Madaxweynahii hore ee Somaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha Hirshabeelle, maadaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee Wajadir, Daljir, Kuran iyo Horu-socod ee Somaaliya ayaa dhaleeceeyay Farmaajo sida indho la’aanta ah ee uu taageeray Eriteria isagoo tiraabtiisa ku duudsiyay xaquuqdii dalka Jabuuti. Waxaana ay u soo jeediyeen inuu degdeg uga noqdo, kana raalli geliyo xukuumadda iyo shacabka Jabuuti.
Dhanka kale, Jabuuti ayaa ka biyo-diiday hadalada ka soo yeedhay Farmaajo: “Uma dulqaadan karno erayada cadowtinimo ee ka soo baxay madaxii Somaaliya xilli ciidankii Jabuuti uu ku fooggan yahay sidii loo nabadayn lahaa, ama loo xasiln lahaa geyiga Somaaliya,” sidaa waxaa sheegay diblomaasi reer Jabuuti ah.
Isniin 30 July: Danjiraha Joogtada ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Jabuuti, Danjire Maxamed Saciid ayaa isaguna Golaha Amaanka ee QM kaga dooday, “sida ku cad heshiisyadii soohdimeed ee gumeystayaashii Talyaaniga iyo Faransiiska 1900 iyo 1901, Jabuuti waxaa ay tahay hantiilaha jasiiradda Ras Doumeira ee aan isku haysanno Eritrea”.
Salaasa 31 July: Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali ayaa sheegay, “si xal loogu helo khilaafka labada dal waxaan sii adeegsan doonaan marinka diblomaasiyada”.
Arbaca 01 August: Danjiraha u jooga Jabuuti magaalada Muqdisho ayaa muujiyay sida adag ee dalkiisu uga argagaxay codsigii Somaaliya in cunaqabataynta laga qaado Eritrea. Waxaana uu caddeeyay Somaaliya in aanay garan sababta cunaqabataynta loo saaray dalka Eritrea.
“Qaramada Midoobay cunaqabataynta ay ku soo rogtay Eritrea, 2009, waxaa loo sababeeyay markii Eritrea ay diiday in ay dib uga gurato Jasiiradda Ras Doumeira ee labada dal ku murmeen. Isla markaana, Eritrea lagu eedeeyay in ay taageerto Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Somaaliya, kasoo wiiqayay xukuumaddii Somaaliya” ayuu tibaaxay Danjirahu.
“Wax la aqbali karo ma aha in walaalahayo ay taageeraan Eritrea oo haysata dhulkii Jabuuti, isla markaana, dafirsan in ay gacanta ku hayaan maxaabiis ay ka afduubeen dagaalkii.” Danjirahu, si degdeg ah waxaa uu wada tashi ugu laabtay dalkiisa, Jabuuti.
Ogow, Jabuuti waxaa ay xidhiidhka u goysay Eritrea, June 2008, markii ay isku haleeleen dagaal ku dhex maray Jasiiradda iyo Buurta Ras Doumeira ee Badda Cas. Waxaa dagaalka kaga shahiiday 39 ciidan ah, waxaana lagaga qafaashay, sida ay sheegeen, 19 maxbuus dagaal, inkastoo ay dafirtay Eritrea.
Sidee Wax U Dhaceen?
Jimce 27 July: Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki waxaa uu martiqaad rasmi ah u fidiyay dhiggiisa Somaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Isla markiiba, Farmaajo waxaa uu orod kaga degay Garoonka Asmara. Waxaa uu ku rayraynayay inuu yimid dal aanu hore uga soo degin Madaxweyne Somaaliyeed. Waxaa kaloo uu ku yididiiloonayay in uu yahay Madaxweynahii labaad ee soo cago dhigta ka dib socdaalkii Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia.
Farmaajo waxaa uu raad-gurayay Abiy Axmed oo isla madashaa, saddex toddobaad ka hor, ku saxiixay heshiis taariikhda galay oo soo afjaray colaad 20 sannadood dhex miranaysay labada dal taasoo galaafatay dhimashada 80,000 iyo barakaca malaayin qof. Heeshiisku waxaa uu isu furay xuduudahii, duulimaadkii cirka iyo xidhiidhkii diblomaasi ee walaalo isu soo hiloobay.
Madaxweyne Farmaajo waxaa uu kala kulmay Madaxweyne Afwerki martisoor, fadhiyo aan loo kala kacin iyo isdhaafsiga khudabado u badnaa sida Afwerki uga dhiidhiyay duulaankii lagu soo qaaday Somaaliya. Afwerki isagoo aan soo hadal qaadin cunaqabataynta dalkiisa saaran, waxaa uu canbaareeyay “dalalka awoodda leh” ee burburka Somaaliya ugu soo dugaalay argagaxiso, budhcad-badeed, iyo soo dejinta hub sharci-darro ah si ay ugu xalaashadaan faro-gelinta Geeska.
“Wax badan ayaan ka baranay jillaafooyinkii lagu gudbay Somalia, Ethiopia, Eritrea iyo Sudan waxii ka danbeeyay Dagaalkii Qaboobaa. Hase ahaate, waxaa aynu ugu babac dhignay wadaniyad aan dalalkeenna ku dhisaynay,” ayuu ku qiirooday Madexweyne Afwerki.
Madaxweyne Farmaajo ayaa isaguna ku afgobaadsaday, “anigu waxaa aan hubaa socdaalkaygan taariikhiga ah waxaa ka dhalan doonta horumar iyo barwaaqo ay ka faa’iidaystaan labada dal.”
Durba, waxaa muuqatay madasha in ay ku kulmeen hoggaamiye u gogol xaadhaya danaha dalkiisa iyo mid madhan oo qalinka gacanta ku sitta si uu u saxiixo heshiis taariikhda u gala. Ayaan-darro Farmaajo ma uu soo akhrisan waxaa Somaaliya uga go’day Eriteria muddo 15 sanno ah kamana uu warqabin haddii aanu u badheedhin waxa ku kala maqan Eritrea iyo Jabuuti.
Haddaba, 23/12/2009, Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxaa uu soo saaray Qaraar lambar 1907 kasoo Eritrea lagu saaray cunaqabatayn hubka ah iyo xakameynta dhaqdhaqaaqa safar ee madaxda Eritrea. Welibana waxaa laga xayiray waxii hanti ah ee xukuumadda iyo madaxda Eritrea u taallay dalka dibediisa.
Waxaa sii dheeraa, in lagu amaray in ciidanka Eritrea dib uga gurto xuduudda ay isku haystaan Jabuuti. Waxa kale oo la faray in ay faraha kala baxaan arrimaha Somaaliya iyo in ay u hoggaansamaan Xoghayaha Guud ee QM.
Sidaa darteed, Farmaajo waxaa uu qalinka ku duugay go’aan uu ku daadifeeyay xuquuqdii shacabka Somaaliyeed. Iska daa in uu magdhow weydiisto, waxaa uu gabay inuu raalligelin uga soo qaado dadkii uu masuulka ka ahaa. Weliba, isagoo aan hubsan in ay Eritrea faraha ka la baxday Somaaliya waxaa uu u soo saxiixay in ay iska kaashadaan dhinaca nabadgelyada taasoo suurto-gelinaysa in Somaaliya lagu soo raro ciidamada Eritrea ee 20 sannadood godka ku jiray. Waxaa kaloo ka maqan cunaqabatayn la mid ah in ay saaran tahay Somaaliya oo uu yahay maxbuus tiisa hilmaamay oo u doodaya maxbuus kale.
Sidoo kale, waxaa uu saxiixay in aan waxba laga soo qaadin dhulkii iyo maxaabiistii dagaal ee Jabuuti. Weliba, in cunaqabtayntii laga qaado Eritrea. Farmaajo waxaa uu moog yahay abaalka walaalahiisa ciidamada Jabuuti ee isaga ka hortaagan in guutooyin Al Shabaab ah gucle ugu soo galaan Madaxtooyada Xamar. Hase yeeshee, abaalgadista, xildarrada iyo xurmo la’aanta Farmaajo ma aha arrin ku cusub Somaalida. Sidoo kale waxaa aan cusbayn xisaab la’aanta dadka.
Waxaa ka horreysay inuu Muqdisho ku soo booqday Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo halkii uu kala xaajoon lahaa waxyeeladii Ethiopia u geysatay dadkiisa uu ku abaaliyay afar dekadood. Waxaa uu ogaa Abiy Axmed inuu shacabkiisa Ethiopia ka raalli geliyay waxyeeladii ka soo gaadhay xukuumadihii isaga ka horreeyay ee uu ka mid ahaa, Waxaana uu shacabkiisa ka codsaday cafis iyo in loo furo bog cusub. Maxaa diidayay in uu Somaalidana ka raalli geliyo kumayaalkii ku qudhbaxay gacanta ciidamada Ethiopia? Jawaabtu waa Farmaajo.
Taasna waxaa ka sii horreysay, xilli ay ka horyimaadeen shacabka iyo barlamaanka Somaaliya in Golahiisa Wasiirradu argagaxiso ku sunteen Ururka Xorreynta Ugaadeeniya iyo inuu Ethiopia u gacan geliya boqolaal halyay oo uu ugu danbeeyay Cabdikariim Qalbi-dhagax. Haddaba, maxaa u bannaan haddii maanta Ethiopia u aqoonsatay ONLF urur siyaasi ah oo xaq u dirirayay? Maxaa la gudboon, haddii Qalbi-dhagax iyo kumanyaalkii maxbuus oodda laga soo qaaday?
Intaba, waxaa ka sii horreysay, Somaaliland iyo Somaaliya in ay ku heshiiyeen London, Ankara, Abu Dabai iyo Jabuuti si aan la iska carshacarshayn arrimaha nabadda, nolosha iyo horumarinta. Farmaajo iyo xukuumadiisu waxaa ay geed kasta u fuuleen si ay u buriyaan heshiiskii Shirkadda DP World ay ku dhisaysay Dekedda Berbera. Sidoo kale, waxaa ay adduunka ka baryeen sidii Somaaliland looga joojin lahaa kaalmada shisheeye. Allah kama dhigin sidii ay jeclaayeen.
Haddaba, DALEESHA Farmaajo iyo xukuumadiisu ku iibsanayaan shacabka Somaaliya iyo walaalaha deriskooda ah, waxaa ay ku galabsadeen gashi, mag, godob, dakane iyo utun ku maqan oo hubaal ay gudi doonaan. Waxaa la gaadhay xilligii ay xilka bannayn lahaayeen.
Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac Twitter @horrimania