Aduunyada waxa lagu xisaabtaa waa dadka, hogaaminta waxa yaabaha lagu qiimeeyo waxa ka mida sida ay dadka iyo qoomiyadaha ay maamusho ay isugu wado isla markaana ay uga shaqayso midnimadooda iyo wada jirkooda, iyada
Inta Badan waxa aad arkaysaa dad tiro badan oo ka cabanaya xukuumadda siiraanyo, iyaga oo intooda badani ay yihiih dad lasoo shaqeeyay siiranyo iyo xisbiga kulmiye, waxa kale oo iyana jira Ururo la midoobay Xisbiga Kulmiye oo maanta fara maradhan ka taagan , waxa aynu isku dayi doonaa in aynu ka bilowno qolyaha sawirka siiraanyo ku dhacay bilawgiiba oo ahaa qolyihii ururka kulmiye la dhisay ee la aasaasay . Aduunyada waxa lagu xisaabtaa waa dadka, hogaaminta waxa yaabaha lagu qiimeeyo waxa ka mida sida ay dadka iyo qoomiyadaha ay maamusho ay isugu wado isla markaana ay uga shaqayso midnimadooda iyo wada jirkooda, iyada oo aan u kala saarin, kooxo kooxo.
Kooxdii ugu horaysay ee sawirka siiraanyo ku dhacay isla markaana banaanka kulmiye laga dhigay waxa ay ahayd, koox uu hogaaminayay siyaasigii weynaa ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee Axmed Xasan Buuni oo ka mid ahaa siyaasiyiin tii la bilaabay Ururka Kulmiye markii la aasaasay, waxana uu markaa ugu magacawnaa gudeemiye ku xigeen. Markii Kulmiye usoo gudbay Xisbi waxa uu alle ha naxariistee Axmed Xasan Buuni isu sharaxay isla maraakana doonay booska musharaxa madaxweyne ku xigeenka ugu taagan Xisbiga kulmiye oo isu soo sharaxay taasna waa loo diiday isaga oo siiraanyo ka doorbiday C/raxmaan Aw-Cali Faarax oo uu u arkayay siiraanyo in uu Buuni kaga taageero badan yahay Somaliland, maadaama oo uu C/raxmaan tolwaa yahay nin Somaliland siweyn looga ciseeyo. Buuni iyo guruub tiro badan oo u wato waxa lagu qasbay in ay isaga huleelaan xisbiga kulmiye waxana ay ku biireen xisbigii udub oo isagu markaa talada dalka hayay, waxana ay kala kulmeen soo dhawayn aad u balaadhan xisbigaa iyo tixgalin maadaama uu buuni ahaa siyaasi ruugcaada ah oo siyaasadda somalida muddo dheer ku soo jiray. Dadka sida dheer siiraanyo u yaqaanaa waxa ay ku tilmaamaan in aanu saaxiib lahayn isla markaana aanu ahayn nin balanka ku wanaagsan abaalna aan lahayn, tilmaamamahani waa qaar aan u wanaagasanayn shaqsiyadda qofka iyo siyaasigaba waana kuwa ilaahay laga magan galo, haddaadse dib u halacsato waxa u hubaal ah in aad tilmaamahan ka dheehan kartid habdhaqanka siyaasadeed ee siiraanyo. Shirweynihii labaad ee kulmiye ayaa isna ahaa mid siweyn u soo bandhigay habdhanka siraanyo ee ku dhisan in uu ku guuro umadda isla markaana ku danaysto kadib markii uu u quus gooyay rag ay muddo dheer siyaasadda saaxiibo ku ahaayeen isla markaana ay siweyn isu yaqaaneen, halgankii dheeraa ee dalka lagu xoraynayayna ay soo wada galeen ku waas oo uu iyana hor mood u ahaa C/raxmaan Aw-cali Faarax oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin tiro badan oo uu ka mid ahaa Ibraahim dhagaweyne, Dr.Axmed Xuseen Ciise, Muj.Cali gurey,Cismaan hindi,iyo rag kale oo tiro badan oo dhamaantood laf dhabar u ahaa Xisbiga Kulmiye ayaa iyana cidla la dhigay oo xisbiga lagu qasbay in ay isaga tagaan. Siyaasadda isticmaarka laga dhaxlay ee qaybi oo u xukun ama siyaasi siyaasi ka horgee ayaa ah qorshayaasha siyaasadeed ee siiraanyo ku hawl galo , Axmed xasan Buuni waxa uu u adeegsaday oo uu ka horgeeyay C/raxmaan Aw-cali oo maalmo yar ururka Kulmiye ku jiray, C/raxmaan tolwaa isna waxa loo isticmaalay Saylici oo aan taariikh siyaasadeed oo hore aan lahayn, shacbiga Somaliland-na ayna aqoon hore u lahayn. Wada shada siyaasiyiinta iyo isku hayntoodu waa ta lagu garto dabeecadda hogaamiyaha, siiraanyo markii uu ku guulaytay talada dalka waxa uu miijiyay heerka xisbigiisu taagan yahay markii ku dhawaaqay guddi kasoo arimisa qaabka ay dawladiisu noqonayso oo ay gudidaasi kasoo tala bixiyaan dawladda cusub ee xukuumada siiraanyo. Arinta ku saabsan tala bixinta dawladiisu waxa ay daaha ka fayday heerka aqooneed ee xisbigiisa ku hadhay waxana ay soo bandhigtay qorsha la’aanta siyasaadeed ee Siiraanyo ,waxana ay si cad u muujisay in aan siiraanyo xisbigiisu ka faa’iidaysan oo aanay wax waayo aragnimo ah ka dhaxlin sideedii sano ee ay mucaaradka ahayd.Haddaba waxa ay isweydiintu tahay siiraanyo muxuu ku foognaa Sideedii sano ee mucaarad ka ahaa, maadaama aanu wax qorshe ah xisbigiisa u samayn isla markaana aanu wax waayo aranimo ah ka dhaxlin muddadaa dheer ee uu xisbigiisu jiray, jawaabta ayaan u baahnayn in meel fog la doono waayo siiraanyo waxa aynu tilmaanay in uu aad u yaqaan dagaalka siyaasadeed ee gudaha taasina waa ta keentay in uu xisbigiisii cidla ku dhaco kolba haddii uu ka dilay aqoontii iyo raggii wakhtiga u huray xisbiga.
Akhriste waxa aynu qaybaha danbe ee qormooyinkeena kaga hadli doonaa siduu uu cidlada ugaga tagay raggii maal iyo nafba u huray Xisbiga Kulmiye ,Xisbigaas oo ilaa maanta shirweynihiisii lagu heshiin la’yahay.Lasoco qaybaha danbe.
Abdihakiim M Abdirahman.
Hakiim2014@gmail.com