WAJAALE NEWS

Marwada Madaxwyenaha Somaliland Aamin Waris Iyo Xubno Ka Mid Ah Golaha Wasiirada Oo Safar ku Tagaya Gobolka Gabiley Iyo Caqabadaha Horyaal.

:Reer Gabiley ayaa hore codka u siiyay Marwo Aamina Waris Xiligaasi Magaaladii ay u dhalatay ka Taagnayd Faro Madhan Gobolka Saaxilna Aanay Fooda Galin Karayn.

:Waadayn Codkooduye waa diiqo Hays Odhan”

Gabiley(Wajaalenews) Wafti balaadhan oo ay hogaaminayo Marwada madaxwyenaha somaliland Aamin sheikh maxamed jirde iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada somaliland ayaa Maalinta sabtid ah socdaal ku imanaya gobolka gabiley gaar ahaan magaalada gabiley, ujeeda socdaalkani oo aan wali la caday

Wararka aanu helayno ayaa tibaaxaya in socdaalka marwadu daaran yahay dhawaaqii dhawaan kasoo yeedhay caaqilada iy waxgaradka gobolka gabailey kaasi oo xukuumada siilaanyo ka gab i wayday islamrkaana ku sheegay saamayn togan taasi ilaa cuqaasha gobolka awdalna istaageen halkii reer gabiley mid lamida

Hadaba waxaa la filayaa in waftiga marwada oo ay weheliyan wasiirada waxbarashada iyo wasiirka maliyada

Dadwayanaha reer gabiley iyo xukuumada siilaanyo ayaa mudooyinka waxa muuqata in ay kala fogaadeen taasi oo ay cadayn u tahay dhawaaqii waxgaradka caaqilada gobolka oo tilmaamay in xukuumada siilaanyo noqotay mid cadaalada kafog islamrkaa reer gabiley kula kacday waxyaalo badan oo meelka dhac ku ah bulshada

AMINA WARIS yaa waxaa horyaalo suaalo badan oo aanay jawabteeda ka gudbi karin waxa kale oo ay reer gabiley hore u abaal mariyeen aamina xiligaasi oo ay inannimo codka kusiiyeen xili magaaladii ay u dhalatay ka taagnayd faro madhan gobolka saaxilna aanay fooda galin karayn

Xiligan ayaa ah xili reer gabiley ka quusteen xukuumada ay marwada katahaya

waxa kale oo xusid mudan in aan aamini marnaba ka garaabin bahdilka, xubno reer gabiley saamay badan kule oo si is daba jooga xilalka looga qaaday

Odoyaasha ayaa waxaa lafilayaa in ay si adag uga diyaar garoobaan beer laxawsiga waftiga haweenka madaxtooyada iyo wasiir samaale oo ah xubnaha sobobay in gabiley iyo siilaanyo kala tagaan

Xukunka gobolkana kusoo koobay qaar amarkiisa qaata kana mashquulay dantii guud

si kastaba ha ahaatee waxaa lafilayaa in waftigan gabiley kala kulmi doono wajigabax iyadoo maalinta barinaya ay cudud xusbiga xukuumada ka baxaysaa ay ku biirayaan xusbiga ucid taasi ay ku tusayso xaqiiqda reer gabiley

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version