WAJAALE NEWS

Badhasaabkii ugu Horeeyay Gabiley iyo Xubno ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee Sweden oo Tacsi Tiiraanyo leh u diraya Qoyska uu ka Baxay Marxuum Cabdi Aw Cumar Kulmiye.

Badhasaabkii ugu Horeeyay Gabiley iyo Xubno ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee Sweden oo Tacsi Tiiraanyo leh u diraya Qoyska uu ka Baxay Marxuum Cabdi Aw Cumar Kulmiye.

 

Maxamed Khayrdoon Xasan, Cismaan Aw yuusuf Magan iyo Sakariye Xasan Wacays…..

Mud.Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) oo ku sugan dalka Sweden ayaa nasoo gaadhsiiyay Dhamaal Tacsi ah uu udirayo Qoyskii, Qaraabadii iyo Shacabka Reer Gabiley ee uu ka Baxay Nabadoon Cabdi Aw Cumar Kulmiye oo ku Geeriyooday Magaalada Gabiley.

Waxaanu illaahay uga baryay in naxariistii janno ka Waraabiyo, Dhamaan Ehelada iyo Shacabka Reer Gabiley ee uu ka baxayba Samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.

Sidoo kale Waxaa Tacsi Taa lamid ah u diraya Marxuumka Maxamed Khayrdoon Xasan, Cismaan Aw yuusuf Magan iyo Sakariye Xasan Wacays. waxaanay Dhamaantood Ilaahay uga baryayaan marxuumka in Naxariistii Janno ka Waraabiyo.

Marxuum Cabdi Aw Cumar kulmiye waxa uu ka mid ahaa Tiirarka Nabadoonada Gabiley waxaanu ka mid ahaa Duqayda Talada iyo Toosinta la garab taagnaa Nabadgalyada Gobolka iyo Bulsho waynta Gabileyba.

Haddii aanu nahay Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Caalamiga ah ee Wajaale news  waxaanu Tacsi Taa lamid ah udiraynaa Qoyska iyo ehelada uu ka baxay marxuumku, Illaahay qabriga ha unuuro, jannatul fardawsana haka waraabiyo… aamiin

Exit mobile version