WAJAALE NEWS

Madaarka Caasimada Somaliland Oo Markii u Horeysay Laga Hirgaliyey In Rakaabka Laga Baadho Cudurka EBOLA

Hargeysa (Wajaalenews) Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa ka bilowday hawlgal caafimaad oo dadka dalka soo galaya lagaga baadhayo cudurka Ebola.


Hawlgalka baadhitaanka cudurka Ebola ayaa markii u horeysay laga fuliyey madaarka caasimada hargeysa ee cigaal internation airport, kaasoo ay iska kaashanayaan wasaaradaha caafimaadka iyo duulista hawada, talaabadan oo ka mid ah qorshe xukuumada Somaliland ku doonayso inay kaga hortagto cudurka Ebola oo haatan dunidu si weyn uga baqo qabto.
Baadhitaanka caafimaad ayaa isla maanta lagu bilaabay dhammaan dadkii ka soo degay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, waxaana hawshu siday u socoto iyo qorsheyaasha Xukuumadda ee ku aaddan cudurkan.
Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa u kormeer uu ugu kuurgalayo oo soo kormeeyey hawl-galka baadhitaan ee shaqaalaha caafimaadku ka wadaan Madaarka Hargeysa ee ay ku hubinayaan cudurka Ebola, waxaanu sheegay inay hawshaasi u socoto si habsami ah.
Dhinaca kalena hawlwadeeno caafimaad oo dadka ka baadhaya cudurka Ebola ayaa la dhigay iridaha xuduudaha dalka Somaliland laga soo galo.

 

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version