WAJAALE NEWS

Hoggaanka Xisbiga WADANI Oo Soo Badashay Xubintii Koomiishanka Doorashooyinka Uga Mid Noqon Lahayd.

HARGEISA(Wajaalenews); Masuuliyiinta sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa xalay cawaysinkii dambe isku raacay inay beddelaan Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ah xubinta ay hore ugu magacaabeen inuu uga midno Guddiga cusub ee doorashooyinka Qaranka, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii labaad habeen-saddexaadkii dib ugu soo celiyey Xubintaas, waxaanay magacaabeen Xubin cusub oo kale.

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa diidmada uu diiday in Dr. Maxamed Cismaan Fadal ka mid noqdo toddobada xubnood ee Guddiga cusub ee Doorashooyinka Qaranka oo uu Liiska Magacyada lixda Xubnood ee kale Habeen-saddexaadkiiba u gudbiyey Golaha Wakiillada kaga reebay, wuxu ku sheegay inuu ka mid yahay Xisbiga WADDANI, isla markaana aan soo xulistiisa waafaqsanayn Sharciga iyo Xeerka doorashooyinka ee Xeer Lambar 20.

Hase-yeeshee, Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, ayaa go’aanka Madaxweynuhu labada jeer ku soo celiyey Xubinta ay u magacaabeen Guddiga doorashooyinka, waxay iyaguna dhinacooda ku tilmaameen Sharci-darro uu Madaxweynuhu ku kacay, isla markaana uu ujeeddo gaar ah ka leeyahay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo uu si gaar ah u diidan yahay Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ay ku sheegeen in Aqoon badan leh oo dalka iyo dadkuba aad ugu baahan yahay, balse aanu qof aqoontiisa oo kale leh u baahnayn Madaxweynuhu sida ay ku doodeen Guddoomiyaha iyo Afhayeenka WADDANI.

Balse, Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI maaddaama oo uu Madaxweynuhu laba jeer dib ugu soo celiyey Xubintaas, lixdii Xubnood ee kale ee ay kala magacaabeen Laba Shir-guddoonka Guurtidu soo xuleen, Xubin Xisbiga UCID soo xulay iyo saddex Xubnood oo Madaxweynuhu soo xulay-ba u gudbiyey Magacyadooda Golaha Wakiillada, isla markaana loo baahan yahay in si dhaqso ah ay u hawlgalaan Guddiga cusub ee Doorashooyinku, beddelaanna Guddigii hore u shaqaynaysay oo shan sano oo sharcigu dhigayey inay shaqeeyaan kaga dhammaanayso 29-ka Bishan October ee aynu ku jirno, waxay isla garteen inay beddelaan Xubinta lagu soo celiyey, beddelkiisana magacaabaan.

Waxaanay Masuuliyiinta Sare ee Xisbiga WADDANI magacaabeen sida ay ila-wareedyo hoggaanka Xisbiga ka ag-dhaw oo xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Himilo xalay xubin cusub oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan-Sagal, kaasoo aanay ila-wareedyado xog magacaabistiisa ka badan oo faahfaahsan ka bixin, Xisbiguna aanu si rasmi ah u shaacin, balse Xubintan ayaa Xisbigu u gudbinayaa Madaxweynaha oo la isku raacay sida ay ila-wareedyadu xaqiijiyeen, waxaanu Xisbigu rejaynayaa in Madaxweynuhu aqbali doono in Cabdiraxmaan-Sagal ka mid noqdo toddobada Xubnood ee Guddiga doorashooyinka ee uu lixda kale Magacyadooda u gudbiyey Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan.

Xubintan la sheegay in WADDANI u magacaabay Guddiga doorashooyinka inuu ka mid noqdo ee Cabdiraxmaan-Sagal, ayaan ahayn sida magiciisa ka muuqata shaqsi Siyaasad ahaan ka dhex-muuqday Xisbiag Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Siyaasadda Somaliland toona, welina xog faahfaahsan lagama hayo taariikhdiisa Waxbarasho, Shaqo, Siyaasadeed iyo Shaqsiyadeed toona, sidaa awgeed, waxay ila-wareeyada Himilo ka helay WADDANI sheegayaan inay Xisbi ahaan rejo fiican ka qabaan inaan Xubintaas dib Madaxweynuhu ugu soo celin doonin ee uu ku dari doono liiska lixda xubnood ee uu hore u ansixiyey oo toddoba kaga dhigi doono. Hase-yeeshee, lama garan karo go’aanka uu Madaxweynuhu ka qaadan doonaa inuu la mid noqon doono kii Dr. Fadal waajahay iyo inuu ka rumayn doono rejada Xisbigu qabo toona.

Xigasho Himilo.

Exit mobile version