WAJAALE NEWS

Daawo: Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Dhaariyey Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland

Hargeysa (W,N)-Xubnaha golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhaarta distuuriga ku gutay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa hortiisa maanta, waxaana dhaariyey guddoomiyaha maxkamadda sare Prpf. Aadan Xaaji Cali Axmed.

Dhaartan oo ka dhacday xarunta madaxtooyada, isla markaana uu waajibinayo qodobka 129-aad ee distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa goob joog ka ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaana ay dhammaanba golaha wasiirradu iyaga oo baabacada midig ku haya kitaabka Qur’aanka kariimka ah ay ku dhaarteen inay daacad u noqon doonaan Diinta Islaamka, Dadka iyo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland muddada ay xilka hayaan.

 

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka

https://youtu.be/dyJjkN1Tb4s

Exit mobile version