WAJAALE NEWS

Daawo: Laba Markab Oo Isku Duqeeyay Marin Biyoodka Dunida Ugu Mashquulka Badan Ee Suez Channel.

Qaahira, (Wajaalenews):-Maalintii isniintii ayaa marin biyoodka dunida ugu mashquulka badan ee Suez, waxa isku duqeeyay, laba Markab oo halkaas ka gudbayay, kuwaas oo si lama filaan ah isugu dhacay.

Labadan Markab oo lagu kala magacaabo, MV Olombo Express oo calanka dalka Jarmalka sitay iyo Ka kale oo calanka dalka Singapore sitay laguna magacaabo, MV Maresk Tanjong, waxa ay afka isku dareen, goobta lagu magacaabo, Khaliijka Suez, lama sheegin khasaare Nafeed, laakiin waxa shilkaasi sababay hakad ku dhaca isu socodka gaadiidka bada ee marin biyoodkaas ka gudba.

 

 

 

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version