WAJAALE NEWS

Ambabaxa Xukuumadda Kulmiye 2015 By Mukhtar Cilmi.

maanta, waxaa aan qarsoonayn taageerada isa soo taraysa ee xisbiyadda mucaaradka iyo maalinba maalinta ka danbaysa dadka ka sii

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.

Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga Hadhwanaag.ca

Shalay warar ka so baxay magaalada dubai aya la sheegayay in lacagihii loogu tala galay ciidamada ilaalin doona shirkada baadhisa shidalka oo la cunay, wasiirka ugu musuq maasuqa weyn ee ibid soo mara somaliland  xussen cabdi ducaale iyo wasiir warancade ayay fadeexadanu taabatay !, labadan wasiir oo ku sugan dubai ayaa la sheegay in lacagta la siiyey iyo ta ay magaca qaranka ku soo qaadayaanba loogu shubay xisaabaad ay ku leeyihiin shirkadda xawaaladda ee AMAL oo ah tan ay baryahan ay wixii aduun ka urursadaan wasiiriinta xukumadda Silaanyo

qaranka uga fadhiya in ay u adeegaan, sidoo kalena ay marwada Somaliland aamina Waris iyo inta ku xidhan ee qaranka ka hesha lacago sharci daro ah ay ku leeyihiin xisaabaad xadhaaf ah oo ka dah soon bulshadda lagu mashquuliyey soo gura lacago dariiqyadda lagu dhiso, halka dhanka kale na qaran wixi soo gala xisaabaad gaadh ah oo qarsoon lagu shubto, runti Somaliland waxay maraysa marxaladii ugu booba badnayd oo u baahan badbaado.

maanta, waxaa aan qarsoonayn taageerada isa soo taraysa ee xisbiyadda mucaaradka iyo maalinba maalinta ka danbaysa dadka ka sii xuub siibanaya xisbiga taladda haya ee Kulmiye ,run ahaantii sababaha keenay in dadku taageeradii iyo kalsoonidii kala noqdan xukuumaddan marka la arkay inay tahay mid aan qadiyadda Somaliland difaaci Karin, boob keeduna u batay, dadkina ay rabaan isbedel laxaad leh iyo marka loo kuur galo aragtida qaybaha kala duwan ee bulshadda xisbiga kulmiye waxaa loo aanaynayaa in ku fashilmay talada dalka, isla markaana uu gabay haba yaraate waxqabad dadku ku naaloon karo, nabadda oo ah hantida ugu qiimaha weyn ee shacabku leedahay waxaa libinteeda iska leh ilaahay SWT oo innoogu deeqay, ka dibna dadweynaha iyo waayeelka wadanka,hase ahaatee, xukuumadda talada haysa waxaa loo arkaa in uu nabadda u adeegsanayo xeelad shacabka lagu cabsi geliyo iyo tabo lagu beerlaxawsado dadka si ay ugu sii nagaadaan kursiga taladda !!.

cid walba manta waxay dhalishay hoggaaminta xukuumadda silaanyo iyo sida ay ugu talax tageen musuq maasaqa wadanka ragaadiyey iyo weliba in ay nabadda u adeegsanayaan sidii wax ay iyagu suurta geliyeen, lana waayayo haddii ay xukunka ka tagaan,iyo qaabka uu u adeegsato xukuumaddan qabyaaladda oo uur ku taladeeda leh, dad fara badan waxaa ay ka hadlaan madaxweynahu markii la doortay in uu baal maray ballan qaadkii uu ku galay doorashadda isagoo sheegay in uu soo dhisi doono xukuumadd aad u kooban lehna tayo sare!!, madaxweynahu nidaamkiisa maanta wuxu ku dhisan yahay xukuumadd tiro badan, fadhiid ah, isla markaana culays ku ah dhaqaalaha Somaliland,marka iyadoo doorashaddu soo dhawdahay tallow muxu balan qaadyadiisu noqon karan 2015 ??!! iyadoo tii hore laga waayay ??!!.

xukuumaddan hadi doorasho gasho xisbigeedi xaaladiisu waa maxay? Xisbigi kulmiye maanta waa mid burburan, khilaafaad oo badankeed xukuumaddani ka danbaysay ay dhulka la dhacday, taageeryaashiisuna ay ka wada yaacayn, waxgaradka u dhuun daloola siyaasadda somaliland ayaa ka sii digaya jiritaanka Xibiga kulmiye in aannu ka danbayn doonin hadi sida la filayo silaanyo looga adkaado doorashadda, , Xisbigu waxa uu yool ka dhigtay aflagaadada dhiggooda iyaga oo ku eedeeya xagjirnimo, dagaal qaawan, talaabooyinka xukuumadda madaxweyne silaanyo ee keentay fashil fara badan ay sii dhacaysa shacbiyadiisa, ayaan xumo isaguna ma soo kordhin fikir dadku u hogan karo, xukuumadda silaanyo waxay hal ku dheg ka dhigatay eraygan gorof madhan ayey la wareegayaan mucaaridku waanay been badan yihiin iyo waxyaabo la mid ah, waxa ay kicisay ladhka dadweynaha oo hore u hibanayey in xukuumadda boobtay hantidi ummadda, erayadaas ayaa xisbiga dhaxalsiiyey in ay si tarabtarab ah uga sii xadhig furtaan in badan oo ku taamayey in fursad kale la siiyo silaanyo.

Isku soo wada xoori waxa muuqata xisbiga Kulmiye in uu gorof madhan kala bixi doono doorashadda soo socota waxaana laga sii saadaalin karaa bog soo xidhmay iyo gebogebadi maalmahii Kulmiye, shacabku waxa ay furteen bog cusub kaasoo ay ku xaqiijin doonaan gacantooda iyo maalinta loo balansan yahay ee 26 June 2015, xagayga xisbiga mustaqbaleed ee hagi kara dalkan iyo shacabkiisa waa xisbiga mucaarid ah ee Waddani iyo musharaxiisa Md. Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi Cirro, guul weyn ayaanu u rajinayana .

Khadar2244@hotmil.com

Mukhtar Cilmi

Exit mobile version