WAJAALE NEWS

WAR-SAXAAFADEED ;Madaxweynaha jsl Oo ku Dhawaaqay Aas-Aasidda Ciidanka Ilaalada Sahaminta Iyo Soo-Saarista Shidaalka Somaliland

WAR-SAXAAFADEED

 

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu

Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.

Madaxweynuhu

Markuu Arkay:           Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda           Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;

 Markuu Arkay:           Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda         Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee    Ciidammada Qaranka;  

 Markuu Arkay:           Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011

 Markuu Arkay:           Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda         Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay   mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.

 Markuu Tixraacay:             Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka       debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo         ilaalintiisa;

 Markuu Garawsaday:        Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;  

Wuxuu Go’aamiyey

 Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka(Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

 ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Exit mobile version