|
|||||
WAJAALE NEWS
WAR-SAXAAFADEED ;Madaxweynaha jsl Oo ku Dhawaaqay Aas-Aasidda Ciidanka Ilaalada Sahaminta Iyo Soo-Saarista Shidaalka Somaliland
September 27, 2014 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED
HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska. Madaxweynuhu Markuu Arkay: Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran; Markuu Arkay: Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka; Markuu Arkay: Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011 Markuu Arkay: Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe. Markuu Tixraacay: Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo ilaalintiisa; Markuu Garawsaday: Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka; Wuxuu Go’aamiyey Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka(Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga. ALLAA MAHAD LEH COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|