GABILEY(Wajaalenews);Ciidamada RRU ayaa magaalada Gabiley ku toogtay marxuum Mukhtaar Xasan bare oo nin dhalinyaro ahaa
marxuumka ayaa ahaa maxbuus ku xidhnaa jeelka gabiley islamarkaana loo haystay danbi fudud kaasi oo maxkamada dhexdeeda ay isku afdhafeen mid kamida ciidama rruda oo ilaalinayay maxkamada kadibna uu si badheedha ugu dhuftay xabbad halkaana uu ku geeriyooday
Ninka askariga ayaa sida warar xogogaal ahi sheegayaan ay isku beel yihiin madaxwayne siilaanyo
Arinta ayaa noqonaysa mid sii kordhinaysa qalalaasihii ka taagnaa gabiley oo mudooyikan kacsanaa
Waxana lafilayaa in Gabiley ka bilowdaan mudaharaado horleh kuwaasi oo an lagaran karin halka ayku danbayn doonto
WIXII KASOO KORDHA ARINTA DILKAN IYO XAALADA GABILEYBA KALA SOCO WAJAALENEWS DESK