War Deg Dega ; ciidamada RRuda oo magaalada gabiley ku toogtay hal qof iyo kacdoono lafilayo in ka bilowdaan Gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Dega ; ciidamada RRuda oo magaalada gabiley ku toogtay hal qof iyo kacdoono lafilayo in ka bilowdaan Gabiley
September 22, 2014 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews);Ciidamada RRU ayaa magaalada Gabiley ku toogtay marxuum Mukhtaar Xasan bare oo nin dhalinyaro ahaa

marxuumka ayaa ahaa maxbuus ku xidhnaa jeelka gabiley islamarkaana loo haystay danbi fudud kaasi oo maxkamada dhexdeeda ay isku afdhafeen mid kamida ciidama rruda oo ilaalinayay maxkamada kadibna uu si badheedha ugu dhuftay xabbad halkaana uu ku geeriyooday

Ninka askariga ayaa sida warar xogogaal ahi sheegayaan ay isku beel yihiin madaxwayne siilaanyo

Arinta ayaa noqonaysa mid sii kordhinaysa qalalaasihii ka taagnaa gabiley oo mudooyikan kacsanaa

Waxana lafilayaa in Gabiley ka bilowdaan mudaharaado horleh kuwaasi oo an lagaran karin halka ayku danbayn doonto

WIXII KASOO KORDHA ARINTA DILKAN IYO XAALADA GABILEYBA KALA SOCO WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS