WAJAALE NEWS

Siyaasi Yuusuf Budle Oo Ka Dareen Celiyay Talaabaddi Ciidamada Qaranku Saaxdheer Kula Wareegen

Hargeysa(Wajaalenews)Siyaasi Yuusuf Budle xoghayihii Hore ee arimaha Dibadda Xisbiga UCID Oo Ka Dareen Celiyay Talaabaddi Ciidamada Qaranku Saaxdheer Kula Wareegen

Halka Ka Akhri Qoraal Uu Siyaasigani Arimahaasi Kaga Hadlay

Dagaalkii Saaxdheer, ma guulbaa, mise waa guul darro? Tan iyo intii ciidamada S/land qabsadeen tuulada Saaxdheer iyo deegaankeeda ku xeeran ayaa waxa ila soo xidhiidhay wariyayal dhawr ah oo I waydiiyay sida aan u arko iyo figradayda shaqsi ahaaneed. Jawaabtayda oo gaabani waxay ahayd imikana tahay: Dagaalka ay ku qaadeen ciidamada S/land tuulada Saaxdheer waa mid muujinaya geesinimada iyo dhiiranaanta xukuumadda S/land iyo weliba awooda ciidameed ee ay S/land leedahay. Dagaal socday 20 daqiiqadood oo lagu guulaystay dhamaanba danihii laga lahaa, laguna soo qaqabtay 60% madaxdii la rabay in lagu soo qabqabto waa mid aan cidina dafiri karin awooda ciidan ee ay S/land leedahay, waanan ku amaanayaa, kuna hambalyaynayaa xukuumadda S/land, ciidamada qaranka iyo weliba xisbiyada mucaaridka ee iyaguna ku taageeray xukuumadda, waajibkan distuuriga ah ee ay gudatay.

LAAKIIN, waxa iyadana aan aaminsanahay in Cali Khaliif aanu keligii iska socon ee uu soo qaatay “Mashruuc weyn” oo S/land la rabo in lagu wiiqo, laguna rabo in lagu tilmaamo in ay tahay meel aan degenayn. Waxa cad in xidhiidhkii dublomaasiyadeed iyo siyaasada arrimaha dibedaba lagaga badiyay xukuumadda S/land iyo xisbiyada mucaaridkaba. Waxa aan usoo jeedin lahaa xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridkaba in ay ka weynaadaan yoolyooltanka aan macnaha ku fadhiyin oo ay u hawl galaan dib usoo celinta xidhiidhkii dublimaasiyadeed ee ay S/land la lahayd dalalka aduunka, gaar ahaan UK, Ethiopia iyo USA oo dhamaantoodba wiiqmay.

Waxa kale oo aan ku darayaa in inta aan ka ogahay beelaha Sool iyo Sanaag aanay ka raali ahayn mashruucan uu Cali Khaliif soo qaatay, kulana jirin, diyaarna u ahayn colaadaha uu rabo in uu madaxa u geliyo. Scw

Exit mobile version