WAJAALE NEWS

Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Golaha Wakiilada Oo Ciro Ku Edeeyey Inuu Golahii Si Dad-ban U Af Duubay.

Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Golaha Wakiilada Oo Ciro Ku Edeeyey Inuu Golahii Si Dad-ban U Af Duubay.

Hargaysa(Wajaalenews)Guddoomiyaha Ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cali Yuusuf Axmed Ayaa Sheegay In Xeer Hoosaadkii Shalay ay ansixiyeen Mudaneyaasha Aqalka Wakiiladu uu baal marsan yahay sharciga iyo dastuurka u yaala somaliland.

Waxa uu Ayaan darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in xeerkaasi uu baabiiyey idil ahaantiiba shirguddoonka Golaha Wakiilada Oo ku cadaa dastuurka somaliland.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu Xafiiskiisa ugu waramayay Warbaahinta, waxaanu yidhi “Somaliland 23sanadooda ayeynu kusoo dhaqmayne xeerar keena iyo dastuurka,inta uu jira aqalka golaha wakiiladu waxa uu lahaa shirguddoon dastuurka ayaana tilmaamaya lakiin nasiib daro waxa shalay dhacday in shirguddoonkii la baabiiyey oo la yidhi guddoomiye kaliya ayaa jira labada ku xigeenka shirguddoonka ka mid maaha.

Waxa uu sheegay guddoomiyuhu in qodobka 52 ee dasuurka qaranka somaliland uu sheegayo inuu golaha wakiiladu yeelanayo xoghayn u madaxbanaan iyo xoghaya guud oo aan ka tirsanayn golaha wakiilada kana kaal-meeya shirguddoonka golaha hawlaha xafiiska dhamaan mamulka iyo arimaha maaliyadu waxa yeelanayaan ku xigeeno markaas qodobkaas ayaa la jabiyey.

Guddoomiyuhu waxa uu intaasi raaciyey in golaha wakiilada la afduubay islamarkaana xeer aanay ka baraan dagin si jujuub ah ugu codeeya layidh waxaana uu yidhi”

Golahii wakiilada waxa laga dhigay sidii wasiirada oo kalaa taasin  mid ku habsatay dastuurka uyaalay dalka waxaana arin nasiib daro ah,khaladka kale ee ugu daraniba waxa weeyaan in golaha afka laga galiyey xeer aanay iska hub waxaana uu sheegay in yar oo guddoomiyaha la socotay ay golahii dhamaan afduubtay waxaan ay nusqaan ku noqon doontaa guddoomiyaha golaha wakiilada sida uu golaha ubad-dhicinayo.

Waxa uu guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland ku edeeyey inuu arin aan la ogayn isagu golaha keenay balantiina kaga baxay ay wada lahayeen”

Anaga shalay guddoomiyuhu waxa uu nagu yidhi dib Ayaan arinta udhigayaa golahu way ka fiirsanayaan markaas meeshii ayaa hadan losoo dhigay waxanan u aragnay mid uu ujeedo kalahaa guddoomiye ciro,aniga iyo beeshe dibada ayaanu uga baxnay dastuurkii iyo xeerarkii golahana waxa gabi ahaanba si dad-ban ugu tuntay guddoomiyaha golaha wakiilada cabdiraxmaan ciro.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version