WAJAALE NEWS

“Madaxweynahan Aan Su’aal Ka Jawaabayn Een Dadka Hor Istaagayni Olole Ma Gali Karo”Eng Maxamed Xaashi.

Hargeysa(Wajaale News):-Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in Maadaama aanu Madaxweyne Siilaanyo ka jawaabi Karin Su’aalaha Wariyeyaasha islamarkaana aanu hor iman Karin Shacabka ay arintaasi ku khasbayso inuu Mudo kordhin samaysto.

Waxa uu Sheegay inaan Xukumadda talada haysaa ku tala galin qabashada doorashada 2015-ka “Doorashada soo socota, u malayn maayo inay doorasho u jeedaan oo sidii ay u carqaladayn lahaayeen ayay wadaan.kolkaa Baarlamaanka wakhtigiisii wuu ka dhamaaday oo Sharci daray ku joogaan, waxa hadhay waa Xukumadda oo Sharcigeedii wali ku jirta, iyana sidii ay uga bixi lahaayeen ayay wadaan oo Kordhin bay kolay damacsan yihiin” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Eng Maxamed Xaashi Oo Hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “haddaba waxa iyana meesha ku jirta Madaxweynahan Su’aasha diidaya ee aan Dadkii is-hortaagayn si uu Olole doorasho u galayo Meesha kama muuqato, kalkaas Kordhis uun baa loo marmarsoonayaaye laakiin, Ninka Markii uu soo degay Su’aalihii laga horjoogsanayo ee ha ka jawaabin ha ka jawaabin la leeyahay ee loo diidayaba inuu hadlo ee Afarta Eray uun sidaas u eegaya Olole Ma gali karo. Kolkaas waa la inoo sasabayaa wuxuun bayna soo wadaan Kordhis”

Eng Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu dhanka kale Xukumadda ku eedeeyay inay duufsatay Golihii wakiilada ee dheeli tiri lahaa, isagoo sidoo kalena sheegay inay jiraan Lacagayow badan oo si aan haboonayn loo isticmaalo.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version