WAJAALE NEWS

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Sheegay in AL SHABAAB Laga Wada Saaray Gabi ahaan Gobolka Hiiraan…

MUQDISHO(Wajaalenews);Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya C/fataax Xassan Afrax ayaa warbaahinta Maxalliga ah kala hadlay Howlgallada Al-shabaab ka dhanka ah ee ka soconayey muddooyinkii ugu danbeeyey qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay al-shabaab ka saareen guud ahaan Gobolka Hiiraan, haddana ay ku talo jiraan sidii ay iskugu furi lahaayeen Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Mudane Afrax ayaa sidoo kale Xusay in dadku ay dhibaato ku qabeen Wadada xidhiidhisa Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan iyo Degmada Buulabarde oo ay Shabaab dadka ku dhibaateen jireen ,islamarkaasina go’doon ay ku hayeen degmada Buulo Burde oo ay Abaaro iyo Macluul ba’an ay ka taagnayd bilihii ugu danbeeyey.

Hadalka guddoomiye afrax ayaa imanaya xilli xarakada al shabaab laga wada saaray gobolka hiiraan gabi ahaan gobolka hiiraan….

 

W/Q:CABDISAMAD CALI XASAN (XALIYE)

SHABAKADDA WARARKA WAJAALE NEWS

XAFIISKA MUQDISHO……

Exit mobile version