WAJAALE NEWS

“Kuwii Lacagta Haystay Weeye kuwa Waxaas Oo Musuqmaasuq Ah Dalka ku Abuuraya”Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa(Wajaalenews)-Sheekh Aadan Siiro, ayaa khudbadiisii Jimcaha oo ku saabsanayd Akhlaaqda wanaagsan ku sheegay in wakhtigan Hogaankii ka xumaaday dalka. Waxa uu sheegay in dadkak intii hantida haysatay Musuqmaasuq ku abuurayaan wadanka.

“ Imika halkay wax ka khaldan yihiin,Subxaana Laah, dadka haddii Hogaanku ka xumaado dhibaatadayday leedahay hadii hogaanku ka khaldamo. Hogaanka qaar baa u haysta Dawladda, hogaanka Wadaadkaa ugu horeeya, Suldaankaa ku xiga, waa Caaqilka, Taajirkaa ku xiga, kuwa Aqoonta leh baa ku xiga, hogaanku waxa weeye inta Umadda u muuqata.” Ayuu khudbadiisa ku yidhi Sheekh Aadan

Sheekhu waxa uu sheegay in hogaanku u fiicnaado marka umadd Illaahay wanaajinayo “Illaahay kuwaasi buu u toosiyaa marka Uu Umad u gurmanayo, yacnii hogaankaa wanaagsanaada.dadka hogaanka ah laba hadday wanaagsanaadan Umaddoo dhan baa wanaagsanaanaysa.”

Sheekh Aadan Siiro waxa uu sheegay in umadda intii Lacagta haysatay iibsanayso Dantii guud iyo wixii umaddu lahayd islamarkaana Musuqmaasuq ku abuurayaan wadanka waxaanu yidhi

“Maanta kuwa jooga ee Lacagta haystaa, waxay ku odhanayaan Dadkii Guud yaa Iibinaya? Subxaana Laah, Waddada yaa Iibinaya, Dhulka yaa Iibinaya, Dadka yaa iibinaya?.Kuwii Lacagta haystay weeye kuwa waxaas oo Musuqmaasuq ah Dalka ku Abuuraya.dhulkii danta guud buu boobayaa, dantii guud buu qaadanaya, haddii dantan guud iyo waxan lagu kala tagay tidhaa waar maxaad Lacagtaada iskaga Xaaraantinimaynaysaa ee kan Jilicsan ee Miskiinka ahna u dhibaysaa?

Sheekh Aadan Siiro waxa kale oo uu sheegay in Beenta iyo wararka aan sal iyo raad lahayni ku badan yihiin wadanka. Waxa uu sheegay inay khatar badan tahay Beentu.

Exit mobile version