WAJAALE NEWS

Horu socodka nolosha;Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

Waa inaanad noqon qof dibu socod leh, balse waa inaad noqotaa qof horu socod leh,Waxaynu halkan kaga hadli doonaa, waxyaabaha aynu ku hormari karno nolosheena, si aynu u noqono dad horu socod leh,qof walba ama shakhsi kasta hadii uu isku dayo in uu hor mar gaadhsiiyo noloshiisa waa inuu halka u horeysa ee ugu dhaw waa inuu ka bilaabaa,si uu u tiigsado halka uu rabo inuu ka jibo keeno,waxaynu rabnaa in aynu hormar gaadhsino nolosheena iyo nafteena,daddow ogaw horumarku inuu yahay qeyb ka mida waxyaabaha ugu qaalisan lafdhabarta nolosha,qofkasta bulsha kasta iyo wadan kasta waxay leeyihiin hor mar lagu tilmaamo, taasi oo ay ku soo jiitaan dadbadan oo isu soo tilmaama, waxaaba la yidhaa habal ama hablaayo nolosha waxay ka gaadhay horumar aan la taaban Karin,bulshada ku nool degmadaa ama wadankaasi waxa u ku talaabsaday horumar aan indhaha laga qarsan Karin,hadaba inagu waxaynu nahay bulshadii markaa aynu sameyno, dadaal badan si ayn u gaadhno nolo fiican iyo hami wanaagsan,taasina waxaynu ku gaadhi karnaa dadka oo isku xidhnaada oo iska war haya si aynu iskaga kaashano, wixi aynu u baahaney ee una baahan is kaashi,qofkasta oo bila’adan ah wuxu u baahan yahay in uu hor mar yeesho oo uu noqdo qof hadaf iyo himilo dheer leh, noloshu maaha in aad iska noolaato, noloshu maaha inaad cuntood cabto, waa laga wanaagsan yahay taas,aan iska noolaado cidi kaa asmicimaysee waa macno ku nooloow ha iska noolaane,waa inaad noqotaa qof waxtarkiisa loo baahan yahay oo ku dayasho leh,waxaad is waydiisaa oo aad maskaxda gashataa, maxaad u nooshay maxaa ifka lagu keeney? Tolow waajibaadkii lagu abuuray ma gudatay oo ma ka soo baxday casharkaa mise wali uu ku sugayaa? Waa inaad ku fikirtaa bishan ama sanadkan maxaa iska kaa badaley wax ma kuu soo kordheen mise waxbaa kaa dhacay,ku fikir markasta inaad noloshaada wax ku soo kordhiso iska illaali inaad dib u noqoto balse niyada gali oo markasta xasuusnow inaad halka aad taagantay aad hore uga soco hana ku soo noqon halka aad ka dhaqaaqday,markaas waxaad naftaada iyo bulshadaba u hor seedaysaa qayb cusub oo ay wax kaga dayan karaan xataa waxay noqoneysaa dhaxal hadhaw wax la iska waydiin karo,taasina waxay ku imaneysaa maskaxdaada iyo caqliga oo aad kaashato,hadaanad fikirin oo aanad xalkeenin wax kasta waxay ka noqonayaan ka kaca, ILLAHAY STW} wuxu ku siiyay caqli iyo maskax aad ku cabiri karto rayigaaga si aad u kala saarto waxa wanaagsan iyo waxa khaldan,intaas iyo in ka badana waad gaadhi doontaa hadii rabi idmo in sha alllah

Exit mobile version