WAJAALE NEWS

Joojinta Adeega Zaad Waxay Noqon Doontaa Ka Dar Oo Dibi Dhal!

Sida aynu ogsoonahay sanadadii ugu danabayey dhaqaalaha somaliland waxa uu ahaa  mid aan wanaasanayn kaasi oo sababay qiimo dhac balaadhan oo ku yimi shilinka somalilland. Qiimo dhacan lacageed waxa u saamayn balaadhan ku yeeshay nolosha noocyadda kala duwan ee bulshadda somaliland. Haddaba, si xal waara loogu helo Xukumadihii kala danbeeyay ee somaliland, sidaasi  waxay isku dayeen in ay xal u helaan qiima dhaca ku yimi shillinka somaliland, waxanay marar badan soo saareen amaro kala duwan oo xal loogu raadinaayo qiima dhaca shilinka somaliland sida:-

 

  1. In la joojiyo lacaga mobilka layskugu diro waxna lagu kala iibsado wixii ka yar $100
  2. In shirkaduhu ay joojiyaan sarifka lacagaha.

 

Haddaba, qodobadani xal waara ma u noqon karaan qiimo dhaca shillinka somaliland?

Jawaabta su’aashan hadii aynu hoos ugu gundo daa-dagno adeega Zaad waxa markii ugu horaysay somaliland ee laga daah-furay sandkii 2009, in kastoo aanay somaliland ahayn wadankii kowaad ee adeegani ka hirgalay , hadana adeegani waxa uu noqday mid si xawli ah u kor dhay isticmaalkiisu, bulshaddana ay ka heleen faa’idooyin aad u balaadhan oo ay ka mid yihiin fudadynta ganacsiga, waxa uu qayb ka qaatay hoos u dhiga faqriga, waxa u dan yarta u noqday ama siiyay fursad ay ku kaydsadaan lacagahooda, waxa kale oo uu si aad ah uga qayb qaatay caawinta iyo taageeridda dadka dhibaataysan ee jooga meelaha baadiyaha ah sida abaarahii dalka ka dhacay, waxa kale dalka u soo jiiday amaan iyo magac caalami ah.

 Dhan kale, go.aamaddani waxay niyo jab ku ridayaan shirkaddaha maalgashaday dalka ee meel aanay waxba jirin ka soo bilaabay, suurogaliyayna in aynu noqono wadamadda ugu horeeya caalamka dhanka is gaadhsiinta iyo mobil lacagta.Sidaasi darteed’ iyagoo shirkadduhu mar walba ka turjumaaya daboolis baahiyaha adeeg ee bulshadda reer somaliland, ayaa hadana waxay aqbaleen in ay dhamaan joojiyaan qayb ka  mid ah adeegyadii ay bulshadda u ahayeen sida lacag dirista iyo ku iibsashadda, waxana badelka fulinta awaamiirtaasi shirkaduhu ay bulshadda u soo kordhiyeen adeegyo cusub oo ay ku dhiirigalinayaa isticmaalka shilinka somaliland, si uu macmiilku isagoo meel kasta jooga uu lacagta dollarka ugu badalan karro shillin mobilkiisa dhexdiisa, halkii uu xarunta shirkadda ka tagi lahaa isla markaana uu ka dalban lahaa in doolarkisa looga saaro, shillina loogu shubo.

Haddana’ gudiga sixir bararku iyagoo aan hubsan adeegan cusub iyo sida u shaqaynaayo waxay mar-labaad talaabooyin aan laga fiirsan dul dhigeen isticmaalka adeegan cusub, arrintan oo ina tusaysa in aan dawadda qiima dhaca laga dayin meeshi la rabay balse, maalinba wixii la rabo la yeelayo, waxay keeni doontaa in uu dhaqaalaha iyo nolosha bulshadda u  gaadhsiiyo dhibaato aad u balaadhan oo aanay qaadi Karin wakhtigan xaadirka ah.

Madaama oo adeegani yahay mid leh mihiimadaa aynu kor kusoo sheegnay, joojintisu waxay sababi doontaa inuu sii xumaato nolosha dan yarta ah ee markii horeba la baaxadageyay maaraynta noloshooda, waxayna keeni doontaa in qiimaha quutal daruurigu uu laba-laamo, isla markaana uu kor u kaco qiimaha dollarku. Haddaba si loo helo xal-waara waxa dawaladda hadda jirta looga baahan yahay in si hubsasho iyo  deganaani ku dheehan tahay ay  loo dhayo  lagu   milinka nabarka dawadiisa la raadinayo, waayo arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsigu dawadoodu looma adeegsaddo firo iyo argtiyo gaar ah, haseyeeshe waxa lagu dawayn karaa adeegsiga aqoonta dhaqaalaha iyo aragtiyo la hubiyay lana tijaabiyey, hadaana sidaa loo raacin waxay noqon doontaa kadar oo dibi dhal.

 

DR Cabdilaahi Cagawayne

Exit mobile version