Somaliland sanadba sanadka ka danbeeya waxa ku soo kordhaysa xaalada adag oo aah masiibo rabaaniya taasi oo keentay in dhulkii iyo dadkiiba ay la soo deristo xaalad bini aadan nimo oo aad u adag
Alle bay awoodiisa ku timi allena isaga baa inaga qaadi karra illaahy waxa aynu ka baryeynaa in uu inoo soo naxaiisto isaga baa waaxidee!!
inkasta oo aan awooda illahay mooyaane aan cid kale waxka qaban karrin hadana dhawr jeer bay dhegeheeena waxa ku soo dhacay waxa la abbuuray haayado ka shaqeeya xaaladan oo kale marka ay timaado sida
1:haayada ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah
2: Gudida abaaraha ee heer qaran
3:sanduuqa saka waatka ama sakada
yadoo intaaba la sameeyey hada weli wax la taaban karro may qaban
Waxa dhaliisha koowaad aan saarayaa Gudida heer qaran ee abaaraha oo aad moodo in ay yihiin gudi loo magacaabay xaafad ka mida hargeisa galbeedkeeda oo aan dalkaba wada gaadhsiisnay iyo meelihii aafada abaartu ka jirtay
Xaalada abaareed oo ah tii ugu xumayd ay ka jirto gobolada bari oo maanta ay marayso duunyadii inta ay dhamatay dadkii ay dhimanayaa maalin walbana ay qayla dhaantu soo baxayso cidii masuul ka ahayd hotel hargeisa ay dalxiisku joogan su,aal dalku ma hargeisa mise ? Gudida abaarha ee Qaran Ayaa noqotay gudida musuq maasuqa qaran oo Wasiir Samsam Abdi Aadan u aH gacan yare hoostaga .
Maanta maaha maalintii laga taajiri lahaa wixii lagu caawin lahaa dadka xoolihii iyo dadkii ka dhamaadeen
wixii umada islamka iyo reer somalilandba ay ugu deqeen umada dhibka haysata waxa lagu hagaajiyey sanduuqa Gudida noqotay dhiigmiiratada ummada reer somaliland
shicibka reer somaliland waxa ay ogyihiin in xubinkasta oo gudidaa ka mid ahi ay maalintii qaataan oo mushahar ahaan u qaataan lacag lagu sheegay )$50 dollar per day hargeisa ay Iska dhex joogaan
markaa maxaa u naf ah dadkii loo baahnaa in ay hiil u noqdaan dadka abaaartu heshay
gobolada bariga wax qabad la,aanta haysata ee aan waxba loo qaban marka maanta oo dadkii ay dhimanayaa loo nixi waaayey goorma baa loo naxayaa ma marka roobku da,o?
hadal iyo dhammaan gudida abaraha ee heer qaran waa ay fashilmeen wixii lacag lagu wareejiyey ee ay bixiyeen ganacsatada iyo shirkadaha is gaadhsiinta iyo shicibka iyo ardayda iyo ciidanka kal duwani meel muuqata oo lagu bixiyey lama hayo waana in la bedelaa gudidan oo la abuuraa cid daacad ah oo badbaadisa umada alle baa wax badbaadiyee
Tallo
waa in ay musha harkooda hal bil oo dhamaustiran ugu deeqaan dadka abbaartu saamaysay ,sida
1: wasiirada
2: ciidanka kala duwan ee qaranka
3: labada Golle Qaran
4: shaqaalaha goobaha gaarka loo leeyahay ka shaqeeya
dhammantood in ay musha harkooda hal bil ugu deeqaan dadka abaaruhu halleeleen
Jaamacadaha dawladu waa ina ay ka qayb,qaataan taakulaynta mid dhaqaale iyo mid farsamo ahaaneedba
AQoon yahan Mohamoud Abdi ibraahin Xaji Abyan
Tell 00252-63-4322834
Abyan912@gmail.com