WAJAALE NEWS

Madaxweyne Kumee!!!; qalinkii faysal cumar madar(faysalqumuj)

Bismillaahi waa kow, Qur’aankay bud-dhig u tahay. Nin lagu jiroba Allaa og’e rabboow khaatumada kheyr nooga dhig, Sannadahan  is-weydaaranayana [2013-2014] harraatidooda iyo hir-diddooduba deyran.

Hor iyo horaanba aan idhaahdo bishan gebo-gabada u ah sanadkan gal-banaya [December], waxay ku suntan tahay xusuuso is hareero socda iyo dhacdooyin  Garbo siman ka dhigay gobollada dalka min galbeed ilaa Bari, Ka soo bilow Selel, Gabiley, Hargeysa, Saaxil iyo Tog-dheerba.

Dhammaantoodba Gobolladani waxa December oo Keli ah ka daarmay Kacdoonno  naf iyo maalba khasaare dhaliyey oo bulshadu  farriin ugu dirtay xukuumaddan Mujaahidku Hoggaaminayo.

Taas ka sokow, arrimaha dibedda lafteeda waxa December lagu xasuusan doonaa  dagaal dublamaasiyadeed oo uu huriyey Nin  wakiil ka ah UN-ta aan  qirsanayn qarannimada ummaddan oo fadhiya Bakaaraha Muqdisho, kuye; ‘reer Somaliland   waxay in yar u jiraan inay dimuquraadiyadii dib u cunaan isagoo god-dalooladdeena ka duulaya’.

Arrintaasna waxaa  kale oo ka daba timi   kooxo Saaxiib innala ah oo  inagala shaqeeya iib-geynta qaddiyaddeena iyo Madax bannaanida qarankeena, waa  Somaliland focus oo iyadu  warqad furan u soo dirtay Madax-weyne Axmed-Sillaanyo, taasina  waxa ay marag u noqotay   ninkaa Ingiriis ee Xamar jooga.

Qoddob xusid mudan ayaa isaguna jira, waa  murano sharci oo ka dhex ooggan  golayaasheena. Si kale haddii aan u dhigo waa khilaafaad sharci oo  xukuumadda loo tiriinayo inay qalin-daartay rukummada Saddex xagalka ah ee qaranku ku taagan yahay, waa Golihii Sharci-dejinta iyo Hay’addii Garsoorka u sarraysay  oo labadoodaba ay xukuumaddu gaadhay heer  ay  saxaafada ay kawada hadlaan,  taasina   ay khalkhal rajo xumo ku abuurtay dadkii.

Kadaryoo haddana waxa isla bishan dhacay!, waa  go’aamo is burinaya oo kasoo baxay Xisbul-xaakimka, Xukuumadda, Guurtida iyo dabcan axsaabta mucaaridka, kuwaas oo kellifay in shacabku layaabo sida wax u socdaan ama xukuumadu wax u waddo,  waayo waxa hal habeen saxaafadda ka wada socday guddoomiye Saleebaan Gaal oo leh ‘waanu dhammeynay khilaafkii Madasha Wadatashiga’, halka uu  afhayeenkii odaygu [ Mr. Dhuxul]  oo leh ‘ Kuwaa Saleebaan Gaal sheegayaa annaga maaha’, Waa yaab!!!.

Tii u danbaysay oo iyaduna ah; In ,wasiir Waran-cadde oo itaalka deddaalaya qarinna kari la’ dhaliilaha  Sillaanyo  uu  yidhi waanu jebinaynaa xeerkii aqlabiyadda laaluushnayd lagu ansixiyay ee xeerka takaaliifta waddooyinka, isaga oo yidhi xeerkaasi idinma qabto haddaad tihiin booyadaha buuqa dhaliyoow ee wuxuu qabtaa gadiidleyda kale oo qudha. Dhawaaqaas Wasiirka waxaan u arkayay iclaamin mudaharaaddo hor leh oo ay abaabulaan qaybaha kale ee xeerkaasi qaban doono.

Haddaba intaasoo qulqulatooyin  ah iyo qorshe xumooyinka xukumadeeda ee taariikhdu makhraatiga ka tahay, waxa amakaag uu ku noqday aniga iyo inta ila midka ah, waxaan is weydiiyey ‘mee Madaxweynihii dadkani doortay, Muxuu  uga hadli la’yahay  dhimashada, dhaawaca iyo dhaliisha qaranimaba innagu keenay.

Waxaanse is idhi bal horta ha degdegin malaha Odaygu Ma Oga’e, haddana waxaan idhi malaha ma joogaba dalka, aakhirkiise waxaan dhaafi waayay in  aanay waxba ku seeganayn xaaladda jirta balse  u jab la maaggan yahay, Anna waxaan isku qanciyey in xilligan oo kale  ay jawaab iigu filnaato   tix AHUN Gaarriye lahaa oo la odhan jiray QIYAAME (1980):

Qayaashmaashki dee, Qudbadaha badnaa!

Qabbaabaalihii, Durba qaati noqoy;

Qarraq doonidii; Qusur oodan jiidh;

Qiiraqiirihii,Hadba doc isku qaad Iyo qar iyo buur.

Qarnigii cilmiga, Qubanaha is yidhi, Ku muquuni qori;

Qallef iyo ba’naan, Iyo Quuflihii, Qaab laga il-baxay.

Qaran idil ku yee, Qof hadlaa ma jiro.

QORE FAYSAL CUMAR MADAR (QUMUJ) qumuj81@hotmail.com

WAJAALENEWS.COM DESK

HARGEISA;CONTACT; wajalenews@gmail.com

Exit mobile version