WAJAALE NEWS

Hogaamiyeyaasha Mucaaradka Somaliland Oo Ka Hadlay Ballan Ay Madaxweynaha La Lahaayeen Oo Dib U Dhacday

Hargeysa(Wajaalenews)-Hogaanka labada Xisbi Mucaarad ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu dib u dhacay Kulan Maanta ay la yeelan lahaayeen Madaxweyne Siilaanyo. waxay sheegeen inay kala hadli lahaayeen kala madax banaanaynta Diwaangalinnaha Madaniga ah iyo ta codbixiyaha.

“ Kulankii Shalay sidaad ka warqabtaan wuu baaqday, markaa Arinta ku saabsan Diwaangalinta codbixiyeyaasha iyo diwaangalinta kale ee Muwaadiniinta iyo kala madaxbanaanidooda ayaanu halkan u nimid inaanu Madaxweynaha kala hadalo.markaa Madaxweynuhu wuxuu balan lahaa Ururada Bulshada waxaanuna la kulmi doonaa Sabtida” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Hogaamiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isna sheegay inay tahay markii labaad ee ay madaxweynaha ku soo noqdaan “horta waa aragtaan oo waa markii labaad ee aanu Madaxweynaha u nimaadno, labada jeerna anagaa goosanay inaanu u nimaadno, sababtoo ah waxaanu aragnaa inuu Xeerka la gudbiyay yahay mid aan Dalkan u fasaxayn inay doorasho ka dhacdo. Waxaanu aragnaa habka loo wado Taysaradani inay tahay mid lagu habsaaminayo inay doorasho dhacdo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Gudoomiyaha Ucid oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Sabtida Markaanu Madaxweynaha la kulano waxay noqonaysaa inay habka Taysaradan loo wado ay ku soo celiyaan sidii lagu heshiiyay iyo inaanu ka hor istaagno sii wadida arintaas si doorasho u suuro gasho”

Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi sii raaciyay “Kaadhka Aqoonsiga lama diidana laakiin caqliga ma gasho Taysaraha marka la qabto ayaa la ina ictiraafayaa waa waxa Habraha loogu sheekeeyo.Taysaraha marka la qabto ayaa la qabanayaa Kaadhka Codayntana ma suuro galayso. Waxaanu u aragnaa khidad wadanka mugdi galinaysa.haddii aan arintaas Sabtida aanan ka heshii war dambe ayaanu ka soo saari doonaa”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi raaciyay inay ilaa 23-kii bishi hore Ergo ahaayeen, haatana dulqaadku ka dhamaaday. Waxa uu sheegay inaanu dalkani ku soconayn la isku joojin maayo.

 

Exit mobile version