WAJAALE NEWS

Akhri Odoroska Miisaaniyad-Sanadeedka 2015-ka Oo Maanta Golaha Wakiillada uu ka Hor Akhriyey; Wasiir Samaale

Hargeisa:(Wajaalenews-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Maanta Goalha Wakiillada Somaliland ka Hor Akhriyey Odoroska Miisaaniyadda Sanadka 2015-ka oo ay ka muuqato kor kacweyn iyo kobac dhaqaale.

Miisaaniyadda waxaa ku jira korodhka,waxyaabaha qorshaysan in lagu qabanayo,cashuuro la dhimay, kuwo la dhaafay iyo qaar la dhimayo hadda, waana miisaaniyaddii ugu badynayd ee abid la horkeeno Golaha wakiillada.

Khudbada Wasiirka Maaliyadda oo faahfaahsan ayaa u dhigan sidan:-

 

REPUBLIC OF                                                 SOMALILAND

MINISTRY OF FINANCE

Date 30-11-2014

Ujeedo : Khudbada Wasiirka ee Miisaaniyadda 2015 ee Golaha Wakiilada:-

1.1.Hordhac

Waxa ii sharaf ah in Maanta oo taariikhdu tahay 30/11/2014 aan golaha hor imaado si aan uga jeediyo khudbadii miisaaniyada 2015 iyada oo golaha xukuumad u usoo gudbiyey golaha wakiilada 11/09/2014, isla markaana ay   sharci tahay in goluhu uu mudnaanta koowaad siiyo gudagalka dooda miisaaniyada isla waqtigab loo soo gudbiyaba waxaana ay ahayd in aanu golaha hornimaadno 13/9/2014 sida kucad Buugaagta miisaaniyada ee aanu idiin soo gudbinay sidoo kale waxa ii sharafa in wasaarada maaliyadu ay sanadihii ugu danbeeyay ku horkeenaytay golaha wakiilada miisaaniyada qaranka waqtigii loogu tala galay taas oo aan hore u dhici jirin, tusaale ahaan waxaanu miisaaniyadii 2013 Golaha usoo gudbinay 26/12/2012 taas oo golaha wakiiladuna ansixiyeen 31/12/2012,sidoo kale miisaaniyadii 2014 waxaanu golaha usoo gudbinay 29/09/2013halka golaha wakiiladuna ansixiyeen 24/11/2013. miisaaniyada 2015 waxay ka koobantahay sidan:-

Faah faahinta Miisaniyadda 2015

 

S/NO         Hayada     SLSH         Dollar

 

Dawladda Dhexe 1,080,000,000,000     $180,000,000

Hayadaha Madaxa Banaan 176,846,392,352         $29,474,399

Dawladdaha Hoose 164,877,744,867         $27,479,624

Dakhliga Deeqaha caalamiga ah(Denmark& Britain) 85,800,000,000           $14,300,000

Isugeyn      1,507,524,137,219     $251,254,023

 

1.2.Korodhka Misaaniyadda

Waxa jirta in sadexdii sano ee u dambeeyay ay miisaaniyadu si xawliya kor ugu kacaysay iyadoo weliba sanad kasta uu soo baxayey dakhli dheeraad ahi kaas oo ka muuqda miisaaniyadaha aanu idiin soo gudbinay ee 2014 iyo 2015, waxaana halkan hoose ku cad jaantuska muujinaya sida ay u kordhayso miisaaniyadu kaas oo korodhsiimada miisaaniyada sanadka 2015 iyo sanadka 2010 uu yahay 283%. Sidoo kale waxaa misaaniyada 2015 dheertahay misaaniyadda 2014 qadar dhan 18%

Kor u kaca Miisaniyada 2010 ilaa 2015

Misaaniyada 2010-2015

Sanadka   Misaaniyada

2010             $   47,000,000

2011               $   88,322,554

2012             $   106,561,540

2013               $   125,000,000

2014                 $ 152,000,000

2015                   $     180,000,000

Faahfaahinta Kor u kaca Miisaaniyadda meelaha muhiimka ah

S/No         Magac       2010 sh sl 2015 sh sl Farqi         %

1       Mushaharka Madaxwaynaha         2,600,000,000   819,800,000       -1,780,200,000   -68

2       Golaha Wakiilada         6,555,058,600   18,727,824,320 12,172,765,720 186

3       Golaha Guurtida         6,088,620,400   20,199,178,720 14,110,558,320 232

 

4       Nabadgalyada     157,113,836,969         439,663,884,011         282,550,047,042           180

5       Waxabarashada 14,633,732,140 72,602,190,058 57,968,457,918 396

6       Caafimaadka       8,783,810,960   35,700,043,934 26,916,232,974 306

7       Jaamacadaha     1,050,000,000   2,600,000,000   1,550,000,000   148

8       Mujaahidiinta Sooyaal           250,400,000       1,595,550,000   1,345,150,000           537

9       Mujaahidiinta Dhimirka       360,000,000       2,447,000,000   2,087,000,000           580

10     Xisbiyada   360,000,000       2,592,000,000   2,232,000,000   620

11     Wasaarada Arimaha Bulshada     651,231,992       4,103,474,978           3,452,242,986   530

12     Daryeelka Dugsiyada   37,240,000         2,420,000,000   2,382,760,000   6398

13     Agoomaha/Iskulada   260,000,000       3,470,000,000   3,210,000,000   1235

14     Daryeelka Ceelasha     460,000,000       1,032,000,000   572,000,000       124

1.3.Faah Faahinta Shaqaalaha Dawladda:

Waxa jirta in waqtigii talada xukuumadu lawareegtay ay culayska saartay sidii shaqo la;aanta loola dagaalami lahaa isla markaana loo hawl gelin lahaa dhiiga cusub ee jaamacada kasoo baxaya taas la shaqaaleeyay tiro dhan 7,585 qof kuwaas oo u badan dhalinyaradaas.waxa kale oo dhinaca shaqaalaha xooga la saaray wasaarada waxbarshada iyo wasaarada caafimaadka kuwaas oo adeega ugu badan u gudbiya dadweynaha waana sidan tafaasiisha shaqaaluhu:-

Magaca     Tirada Shaqaalaha 2010     Tirada Shaqaalaha 2015   Farqiga

Dhamaan Shaqaalaha Dawlada     8,515         16,089       7,585

Wasaarada waxbarashada   2579         6,378         3,799

Wasaarada caafimaadka       1,439         2,588         1,149

1.4.Waxqabadka Dawlada ee Aug 2010-2014:-

Kordhinta Mushahaarooyinkii shaqaalaha iyo Ciidamada 120%

Bixinta derejeda ciidamadawaxa Lacag la,aan laga dhigay iskuulada hoose dhexe ee dawladda laga qaadijiray Iibinta idaacadii Qaranka Bedelka lacagtii giinbaarta ahayd ee Gobolka Togdheer iyo Sanaag. Samaynta E.Passport ka Somaliland Hirgelinta Mashaariicda Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga. Iibinta Qalabka Cusbitaalka Hargeysa (Mishiinka kelyaha ,iyo keenida dhakhaatiir ajaaniba) Bixinta dayntii dawladii hore ka tagtay oo dhamayd 21 Milyanoo Dollar.

 

Dhamaystirka Biriijka Labaad ee Hargeysa

Dhisida Wadada Dila ilaa Boorame

Dhisida Wadada Wajaale ilaa kalabeydh

Bilaabida wadada ceerigaabo ilaa Burco

Dhismaha wadada Hargeysa ilaa xamaas

Iskaashiga Dhismayaasha wadooyinka ee Dawlada iyo dadweynaha sida(wadada dawga cad,wadada cad ee salaxley,wadada oodweyne,wadada baligubadle iyo wadada allaybaday)

Dhisida wadada Jidka Halleeya ilaa jigjigayar

Dhisida Madaarka Hargeisa ( Egal airport)

Dhisida Madaarka Berbera

Dhisida Madaarka Burco

DHismaha Wasaaradaha sida (Madaxtooyada, W.duulista Hawada,W. Xanaanada xoolaha,W. Dhalinta iyo Ciyaaraha, W. Horumarinta Reer Miyiga iyo deegaanka,W. Kaluumaysiga, W. Boosaha iyo is gadhsiinta, wasaarada Gaashaandhiga,wasaarada arrimaha Dibeda,wasaarada Arrimaha Gudaha,wasaarada cadaalada, Hanti dhawrka guud ee qarank.

Guryaha Martida ee magaalooyinka Burco,Baligubadle,Boorame,gebilay

Xafiisyada wasaarada maaliyada sida (xafiiska Xisaabaadka Guud, waaxda kastamada,waaxda cashuuraha Beriga,4 xafiis oo cashuuraha Beriga hargeysa ah,xafiiska xisaabaadka iyo cashuuraha Gebilay,xafiiska kastamka kalabeydh,kastamka Boorama, kastamka seylac, Kastmaka ceelgaal,kastamka Baligubadle,kastamka Beer, xafiiska cashuuraha iyo xisaabaadka ceerigaabo iyo xafiiska cashuuraha iyo xisaabaadka Berbera).

Dhismaha xafiisyada wasaardaha ee Gobolada sida, Xafiisyadda wasaarda qorsheynta qaranka ee ceerigaabo,Burco,Berbera,xafiisyada wasaarada arrimaha bulshada ee Gebilay iyo Baligubadle W.Maaliyadda iyo W.Caafimaadka).

Dhismaha Jaamacadda Badhan, Ceerigaabo,hargeysa,boorame iyo burco

DHismaha laybareriyada jaamacada hargeysa,laybareeriga qaranka iyo Jaamacada Caamud.

Bixinta Kaalmooyinka Jaamacadaha, Iskuulada special needs ka, Cusbitaalada dhimirka,iskuulada Agoomaha IWM.

 

Jaangoynta Mushahaarooyinka Madaxweynaha,ku xigeenka iyo goleyaasha xeer dejinta.

Kordhinta Miisaaniyadda Hay’adaha adeega Bixiya sida: Waxbarashada, Caafimaadka iyo hay’adaha Nabadgelyadda.

Qalabaynta ciidamada gaar ahaan milateriga iyo ciidanka Bada.

Kordhka Miisaaniyada Dawlada dhexe intii u dhaxaysay 2010 ilaa2014 waa $47 Million ilaa $152 Million,iyadoo korodhku yahay 223%.

Kordhinta Miisaaniyadaha hayadaha Madaxa Banaan 150%.

Xaraynta Dakhligii khasnada Dawladda la baalmarin jiray sida: Maxjarka,Dekedda iyo Haamaha Berbera

Gudbinta xisaabxidhadii miisaaniyadaha 2010 ilaa 2013 oo aan iyaga hore loo gudbin jirin.

Hirgelinta Cashuurta Aan hore ujirin sida ku dhejinta Tigidhada oo markii ugu horaysay laga hirgeliyay dhamaan Gobolada dalka 12 April 2012 Guddi u gaara dhaqan gelinteedana aanu u xilsaaray ilaa intay sidii loogu talay u fulayso

Hirgelinta cashuurta Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda Dhexe oo 1% ah

Hirgelinta Cashuurta E-passportka .

Korodhsiimada Gunnada Agaasimayaasha guud SL SH 6000,000, iyo Agaasime waaxeed yada 1,500,000, Garsooryaasha iyo xeer ilaaliyayaasha 120%.

Dhimista Cashuuraadka iyo Habayntooda.

1.5.Qorshaha Waxqabad ee Miisaaniyadda 2015 :-

Kharashka Doorashooyinka Golaha Wakiiladda ,Madaxtooyadda, iyo kharashka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo loogu tala galay $ 6,000,000

Qalabka iyo Saanadda ciidamada dalka ee kala duwan.

Mashruuca Dib u dhiska wadooyinka

Mashruuca Xannaanada Xoolaha

Dhismaha Maktabada Berbera oo loogu talagalay $ 80,000

Dhismayaasha xafiisyadda dawladda sida:- Wasaaradda Biyaha, Hadhaaga Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Dhismaha xafiiska Hayada Shaqaalaha Dawlada,

Dayrka Hanti dhawraha guud ee Qaranka ,xafiisyadda Wasaaradda Maaliyada Boorama iyo Burco, Dhismayaasha iyo dib u dhiska maxkamadda gobolka iyo degmada Maroodijeex,Hoolka Wasaaradda Cadaaladda, dhismaha ciidanka Dab damiska, Hoolka iyo deyrka Wasaaradda Arrimaha Dibeda

Hadhaaga Iibsiga rooga Garoonka kubada cagta Hargeysa

Iibsiga gaadiidka iyo qalabka xafiisyadda Wasaaraddaha iyo Ha’ayadaha .Ka qayb qaadashada Dhismaha madaarka Burco.

Kabka shidaalka wershedda laydhka Berbera.

Iibinta Cagaf weyn “Bulldozer” oo loo iibinayo Wasaaradda Beeraha si loogu sameeyo Gabyanadda.

Kaalmadda Dhimirka mujaahidiinta SNM.

Kaalmooyinka Agoomaha oo loo kordhiyey 100%.

Kaalmooyinka Asxaabta Qaranka oo loo kordhiyey 50%

Bilawga Dhismaha jeelka Burco.

Daryeelka iyo Dibudhiska iskuulada dalka

Dhismaha 5 MCH oo laga dhisayo Gobolada dalka

Dhismaha qaybta dadka caafimaadkoodu halista ku jiro ee ICU iyo qolka Gargaarka degdega ah ee cisbitaalka Hargeysa

Iibinta Dawada Mishiinka Kelyaha sifeeya iyo qalabeynta cusbitaalka hargeysa waxaana ku baxay lacag dhan $1,850,667 sanadihii hore ee 2012 ilaa 2015.

Kharashka mushaharka dhakhaatiirta cusbitaalka hargeysa waxaana ku baxay lacag dhan $2,158,500 sanadihii 2012 Ilaa 2015 soo socda.

kharashka bannaynta agagaarka madaarka Egal international Airport

Dhismaha guriga Martida ee Magaaladda Baligubadle.

Dhismayaasha Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee magaalooyinka laascaanood iyo Boorama

Qalabeynta xafiisyada Maxkamadaha Gobolka iyo Degmada Maroodi-jeex.

1.6.Cashuuraha Hoos Loo dhigay Sanadkii 2011-2014

Tirsi Nooca Cashuurta         Cashuurtii hore Cashuurta Danbe

1       Cashuurta Macaashal macaashka Ganacsiga           24% 10%

2      Cashuurta Macaashal Macaashka shaqaalaha         12% 6%

3       Cashuurta Macaashal macaashka kirada Guryaha           18% 10%

4       Cashuurta kala wareejinta Guryaha       6%   2%

5       Cashuurta kala wareejinta Baabuurta   6%   $105 and $55

6       Cashuurta Gadista     5%   5%

7       Cashuurta Diiwaangelinta shirkadaha   1%   Nil%

8       Cashuurta dhaxalka dadka isdhalay,isla dhashay iyo kuwa isku dhaxay   3%   1%

9       Cashuurta dhaxalka ilaa afar oday         5%   3%

10     Cashuurta dhaxalka wixii ka badan afar oday         10% 5%

1.7.Cashuuraha la dhaafay iyo kuwa la dhimay sanadka 2014

Waxa cashuur dhaaf soo dejinta ah golaha wakiiladu usameeyeen sanadkii 2014 qodobada hoos ku qoran taas oo wasaarada maaliyadu soo jeedisay

1.Dhamaan qalabka Beeraha, Biyaha sida riigaga ,wadooyinka sida cagafyada ,kalluunka sida laashashka, shabaakta, gaasta cuntada lagu karsado.

2.waxa la tirtiray cashuurtii kala wareejinta gaadiidka taas oo laga dhigay qiimo go,an oo ah gaadiidka waaweyn $105gaadiiidka yaryara $55.

1.8.Soo jeedinta Cashuuraha la dhaafayo sanadka 2015

Sida uu tilmaamayo qodobka 54aad ee dastuurka Jsl takaaliifta waxa ogolaada qaadistooda ama tirtira oo awood u leh Golaha wakiilada hase yeeshee wasaarada maaliyadu waxay leedahay soo jeedin keliya,mana jirto cashuur aan golaha wakiiladu ogolaan oo wasaarada maaliyadu uruurisaa sidaas anagoo ka duulayna qodobkaas dastuuriga ah waxa aanu golaha wakiilada horyeel in cashuurta laga dhaafo qodobada hoos ku qoran, taas oo aanu ka rajeynayno in goluhu naga ogolaado isla markaana aanu u sameyn doonon xeer nidaamiye marka goluhu ansixiyo, waxaana kamida kuwa hoos ku qoran:-

Dhamaan qalabka Beeraha iyo dawada lagu xanaaneeyo Beeraha ee Bacriminta (Fertalizer)

Dhamaan cagafyada lagu dhiso wadooyinka nooc kasta oo ay yihiin oo laga dhaafo cashuurta soo dejinta kastamada.

Dhamaan Gaadiidka Ambalance yada caafimaadaka iyo dabdamisyada

Qalabka wax lagu karsado sida Shooladaha naqaska iyo shooladaha dubaalada.

Qalabka tamarta laga dhaliyo ee Cadceeda iyo dabaysha.

1.9.Hirgalinta Go’aamadii Golaha Wakiiladda ee 2014

 

Waxa jirta in go’aankii Golaha wakiiladu ku ansixiyeen miisaniyadii 2014 ay soo raaciyeen go’aamo taas oo wasaarada maaliyadu fulisay dhamaan go’aanadii golaha Wakiiladu ay soo raaciyeen Miisaaniyaddii 2014 oo ah in hay’adaha ku jira Miisaaniyadda 2014 ee aan xeerarkii lagu aas aasay lagu hor keenin mudadii 90 cisho ahayd aanu ka saarnay Miisaaniyadda 2015 nuqulkay ku lahaan jireen anagoo hoos geynay Miisaaniyadoodiina ku darnay Wasaaradihii Madaxweynuhu hoos geeyey kuwaas oo kala ah sidan:-

Tirsi Hayadda   Wasaaradda la hoos geeyay

1       TV-ga Qaranka   Wasaaradda Warfaafinta

2       ICT-Commission         Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiina

3       Hayada Xidhiidhka Raashinka Qaranka         Wasaaradda Dib u dejinta

4       Gudiga Baadhista Xasuuqa Wasaaradda Cadaalada

5      Hayadda Qurba jooga Wasaaradda Arimaha Dibada

2.Hirgelinta Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda(PFM Reform)

Waxanu ku guulaysanay inaanu meel marino dib u habaynta Maamulka Maaliyadda oo ka kooban 5 tiir iyo 14 qaybood . Waxa noo suurto gashay in naloo maalgeliyo tiirka labaad ee PFM strategy ga ee dakhliga(Domestic resource Mobilization) sida Kastamada, Cashuuraha Berriga iyo Waaxda Qorsheynta, taas oo ay naga caawin doonto Hay’adda DFID ee Dalka ingiriiska u qaabilsan deeq bixinta Meelaha xooga la saarayona waxa kamida; dib uhabaynta Cashuraha,Hirgelinta Cashuuraha & Dakhli ururinta, Tayaynta Waaxaha ay khusayso Dakhli ururintu iyo Dhisida hayad Dakhli ururineed oo madax banaan(Somaliland revenue authority) ,waxaanay ku bixisay hawshaas qandaraas qiimihiisu dhan yahay $7.2 Million, kaas oo socon doona mudo 3 sano ah.

Hawshaasi waxay bilaabmaysaa bisha janaury 2015 taasina waxay keeni doontaa in Dakhligeenu uu ka noqdo GDP (wax soo saarka dalka) ga qaranka ugu yaraan 25%, halka uu imika ka yahay 10%. Waxa kale oo jirta in EU, Baanka aduunka iyo deeq bixiyayaal kale iyana hada ay wadaan qorshihii dib u habaynta Maaliyadda ee la xidhiidhay 4 ta tiir ee kale oo kala ah Dhaqaaaha guud (Macro Economics), Hirgelinta Miisaaniyadda (Budget execution) , Iibsiga (Procurement) iyo Ilaalinta hantida (oversight),taas wax lagaga qabandoono dhinacyada Qorsheynta, maamulka,Miisaaniyadda, Xisaabaadka, Hanti dhawrka, Baanka iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee PFMka sida Gudida dhaqaalaha Golaha wakiilada iyo Gudida ilaalinta hantida ee golaha wakiilada, waxaana hada naloo soo gudbiyey qaybtii hore oo kharashkoodu Noqondoono 4.5 million dollar.

 

 

Waxa kale oo aanu gacanta ku haynaa oo bilaabmi doona bisha January 2015 Nidaam Xisaabeed casri ah (Somaliland Financial Management Information System) oo Somaliland yeelato, noqona doona Mid Hay’adaha Dawlada oo dhami (Dawlada dhexe, Dawladaha Hoose & Hay’adaha Madaxabanaan) ay kuwada shaqayn doonaan waxa kale oo jira in sanadka 2016 uu qalabkani inoo ogolaan doono in miisaaniyada qaranku noqon doonto mid Goblaysan oo sidoo kale deegaamaysan taas oo in badan Golaha wakiiladu soo jeediyeen in qaabka miisaaniyada la deegaameeyo.

Waxaanu u gudbinay Madaxweynaha wax kabedelkii shuruucda Maaliyadda ee la xidhiidhay PFM ka taas oo loo soo gudbin doono Golaha Wakiiladda si dhakhso ah isla markaan aanu idinka rajaynayno inaad hore u ansixisaan Markay idin soo gaadhaan madaama waxbadani ku xidhan yihiin.

Gebegebadii Mudanayaal/mudaneyaal, iyadoo ay ka jirto Dunida dhaqaale xumo iyo dhibatooyin farabadan oo ka haysta xaga horumarka oo saameeyey dhammaan Dawladihii Horumaray ee aduunka iyo kuwa dunida saddexaad oo hoos u dhac dhaqaale iyo sicir barar balaadhan saameeyey, dalkeenuna la qabo aduunka. Hadana waxa Ilaahay mahadiis ah in Miisaaniyadda Dawladda Dhexe 2015 ka ay ka badantahay 18% miisaaniyadii hore ee 2014, sidoo kale hadii la barbar dhigo Miisaaniyadii 2010 oo ahayd wakhtigii xilka dawladani la wareegtay waxay miisaaniyadani dheertahay 283%.

Mudanayaal, aniga oo aan waxba kala hadhayn dadaalka lagu hirglinayo Odoroska Miisaaniyadda sannadkan, waxan ku kalsoonahay inaanu ka midho dhalin doono idinkuna aad gacan buuxda naga siin doontaan wixii aanu idiinka baahano Insha Allah.

Sidaas awgeed; waxaan si sharaf iyo maamuus leh idiinka codsanayaa ansixinta Miisaaniyada idin hor taala ee sanadkan 2015 ka, lifaaqa wax ka bedalka Tacriifada iyo siyaasada miisaaniyada 2015 ee ku lifaaqan idinkoo waajibaadkiina Distooriga ah gudanaya.

 

Salaamu Calaykum

Allaa Mahad Leh

(C/casiis Maxamed Samaale)

Wasiirka Wasaarada Maaliyada.

 

 

Exit mobile version