Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib ka oollaynin, Ama aan u dhalan bay arlada, uga dhammaysteene, Soomaalinnimadii waxay dhaafsadeen, waan la dheygagaye
Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib ka oollaynin, Ama aan u dhalan bay arlada, uga dhammaysteene,
Soomaalinnimadii waxay dhaafsadeen, waan la dheygagaye,
Maansada Dhunkaal ee Timacadde, 1970kii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com.
11/9/2014ka, Hargeysa,
Waa halkii Mocooyooyinkeen ka odhan jireen: “Alif…..Alif….Alif” ee ay Yaasiinka, Tabaaragga iyo Tiirka bir ah ka cuskan jireen. Xaajada dhul ummadeed oo la iibiyo ama la dhiibo gaadhay Ilaahay sharkeeda ha ina dhaafiyo.
Tuducan ballaysinka u ah qormadan gaaban ayaa Timacadde wuxu ku leeyahay: “Soomaalinnimadii waxay dhaafsadeen, waan la dheygagay.” Waa halkii ay beryahaas himilada iyo hankuba taagnaayeen. Maanta waxay noqonaysaa: “Somalilandnimadii waxay dhaafsadeen, waan la dheygagay.” Cabdillaahi Suldaan wuxu gartay in
Soomaalinnimadii wax la dhaafsaday, bal se wixii soomaalinnimada la weydaarsaday ayuu suurayn kari waayay.
Waxa taa ka dhigan Qarannimadan la dhuunyaday ee dadka qaarkii qadhiidhka la noqotay. Siddetannadii waxaan ka hawl-geli jiray Xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho. Gobolka Benaadir ayaa ku sidkanaa ama ku mataanaysnaa Gobolka Lombaardiya ee dalka Talyaaniga. Hadal-hayntii iyo xidhiidhkii ugu badnaa ee laga wada doodi jiray waxay ahayd magaalada iyo Meelaha Bannaan (La Cita e’ Lo spazio). Ma ay ahayn dood labadaa gobol oo keliya dhex taallay, bal se waxay ahayd dood caalamiya oo daarranayd sidii magaalooyinka adduunku ugu dedaali lahaayeen sidii loo samayn lahaa meelo bannaan oo lagu laydhsado, lagu nefiso ama ay magaalooyinkuba ka neefsadaan. Waxa kale oo aan xusuustaa annaga oo ka tirsan Naadiga Dhallinyarada cuslaatay ee beerta xorriyadda oo Xukuumaddii Ra’yaale go’aansatay in beerta xorriyadda iyo meeshii bannanayd ee dhirta lagu beeri jiray ee ku xigtay la isku furo oo ay bannaan iyo barxad magaalo ahaato. Waa halka ay immika dhisatay Wasaaradda Deegaanku.
Dhowr maamul ayaa ina soo maray tan iyo intii aynu la soo noqonnay madax-bannaanideenna 18kii Meey 1991kii. Maamulkii ku-meel-gaadhka ahaa ee Cabdiraxmaan Tuur hoggaaminayay in kasta oo uu dhul dunsan iyo burbur la kowsaday, hayntiisa dhaqaalena aad u hooseysay, haddana waa uu ka sarriigtay oo hunguri kama qaban marnaba in uu dhul ummadeed iibiyo ama bixiyaba. Maamulkii Madaxweyne Cigaalna marnaba kuma fekerin kumana tallaabsan dhul ummadeed oo uu iibiyo.
Maamulkii 3aad ee Daahir Ra’yaale Kaahin ayaa markii uu xilligiisu dhammaanayay ku dhiirraday in uu sifo aan la garanayn u iibiyo dhulkii “Hindiya Laynka.” Waxay ahayd bilowgii fadeexadaha baahay ee dhul-iibsiga.
Maamulka maanta jira ee uu hoggaaminayo Mudane Siilaanyo ayaa qaaday koobka dhul-boobka, dhul-iibsiga iyo dhul-bixinta. Hadal-haynta dhul-iibsiga iyo dhul-bixintu dabarka ayay goosatay. Ma hadal-haynta barxaddii Golaha Murtida iyo Medadaaladaa! Ma Kheryriyadii baa! Ma Maktabaddii Gaandi oo laga dardaar-werinayaa! Iyo qar kaloo badan……….Iyo qaar kaloo badan, waa halkii Maxamed Mooge e’.
Timacadde ayaa laga hayay: “Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaa.” Maantana waxay Hadal-hayntu u badan tahay bannaanka ka soo horreeya Wasaaradda Caafimaadka. Tuugna ma xado. Waxa lagu soo wareejiyay deyr, waxaana la leeyahay xukuumadda ayaa ku wareejisay oo meel lagu nasto iyo barxad bannaan ayaa laga dhigayaa. Waa hadallada la isla dhex marayo. Waxa kale oo la isla dhex marayaa, ma aha sidaas e’, waxa la siiyay nin Xil-dhibaan ah oo ka mid ah kuwa loogu hadal-haynta badan yahay ee ku mamay boobka hantida dadweynaha.
Deyrka lagu wareejiyay ayaa caddayn u noqon karaya in aanay xukuumadda iyo dawladda midina lahayn. Daliilkeedu wuxu yahay deyrkaas oo aan wadan baadi-soocdii deyrarka xukuumadda ee caanka ku ah ama ay ka siman yihiin deyrarka xukuumadda ee ay kula baxday naanaysta aanay mahadin ee “Derbi-ka-adag.”
Mid ka mid ah Hal-abuurka ayaa lagu yidhi: “Maxaad la aammusteen ee aad waxyaabahan dhacaya uga gabyi weydeen.” Wuxu hal-abuurkii ku jawaabay hadal u ekaa: Oo ma hadal baa hadhay, wixii aanu hore uga gabaynay ayaa socda e’.
Sow tii Hadraawi Maansadiidii Daahyaley ee Deelleeydii ee soo baxday 11/3/1980kii, ku lahaa:
“Diricaasi waa kuma,
Dawdar weeye shalay jiray,
Durba sow kan jeedladay,
Dhistay aqallo daah weyn,
Tolow duubka yaw xidhay,
Had muu tobanka doonyood,
Dekedaha ku soo xidhay,
Had muu dunida gaarkeed,
Intuu daawashaw tegay,
Demesh iyo wixii yiil,
Sida daad u soo rogay,
Kaftankaas dareenka leh,
Dan-yartaa ku heestee,
Dadka ma anigaa baray,
Derejada hummaagga ah,
Magacyada dul-saarka ah,
Dorraad soo gadaal-baxay,
Maxaa laygu digaya,”
(La soco Qormada 2aad maalinta Sabtida, haddii Eebbe idmo)