WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Wadani Oo Dhamaabl Tacsi ah Udirey Qoysaska Saraakiishii La Dilay Xukuumadana Ku Cambaareeyay Dhaawacyada Loo Geystey Dhalinyarada Mudaharaada

HARGEISA(Wajaalenews);-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),ayaa dhambaal tacsi ah u direy Qoysaskii ay ka geeriyoodeen, labadii sarkaal ee lagu dilay Tuulada Qorilugud,iyo dhamaanba shacbiga Reer Gabiley iyo Awdal ee ay kasoo jeedeen, iyo ciidamada Qaranka ee ay katirsanaayeen Marxuumiintaasi,waxaanu ilaahay uga baryay in uu janadii fardowsa ka waraabiyo,xukuumadana waxa uu usoo jeediyay in ay talaabo ka qaado cidii falkaasi geysatey.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),oo mar uu warbaahinta lahadlayay wuxuna yidhi waxaanu cambaareyn culus ujeediyay Xukuumada sida ay ula dhaqantey dhalinyarada Reer Gabiley ee mudaharaadayay ee dhaawcyada culus la gaadhsiiyay isagoo, sheegay in ay aad uga xun yihiin in Gabiley oo tacab badan

ku laheyd Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in ay shacbiga sidaa ula dhaqanto, waxaanu tacsi u direy qoyska ilmo yar iyo haweenay ay dul mareen Baabuurta Ciidanka RRU,du waxaana kamid ahaa hadaladkiisa.

“Inaa lilaahi wa inaa Ileyhu raajicuun, waxaan halkan tacsi uga dirayaa Qoyaysaska labada Sarkaal ee katirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ee lagu dilay, Tuulada Qorilugud,anigoo ilaahay uga baryaya in uu janadii fardowsa ka waraabiyo,gacan ka xaq daranbaa dishaye ilaahay ka abaal mariyo,waxaanan tacsidan u gudbinayaa dhamaanba Ciidamada Qaranka ee ay kabaxeen iyo shacbiga Reer Somaliland guud ahaanba, waxaanan sigaar ah uga tacsiyaynayaa dadweynaha Reer Gabiley iyo Dilla ee ay kasoo jeedeen iyo qoysaskoodii, waxaanan si adag u cambaareynayaa, sida ay Xukuumadu ula dhaqantey shacbiga Reer Gabiley ee tacabka ku lahaa dhaawacyada soo gaadhay dhalinyarada mudaharaadayay ee Reer Gabiley aad ayaan uga xunahay, waxaanan leeyahay ilaahay nabar gardaro ha idiinka dhigo,waxa kale oo aan tacsi u dirayaa ilmaha yar ee ku dhintey rabshadaasi,iyo qoyaskiisa,waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo shacabka Reer Gabileyna, waxaan ugu baaqayaa in ay nabadgelyada ilaashadaan, oo ay dareenkooda si salmi ah ugudbiyaan”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Waxa uu ugu baaqey Xukuumada in ay Shacbiga u naxariisato oo ay ka daayaan Xabada.

Madaxweyne Siilaanyo ayaan ilaa iyo hada tacsi u dirin qoyasaskii ay ka geeriyoodeen Labada Sarkaal ee lagu dilay Tuulada Qorilugud.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version