WAJAALE NEWS

Xisbiga KULMIYE, Oo Wargelin U Diray Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga, Muddeeyayna Diyaarinta Kaadhadhka Aqoonsiga Ee Kalfadhiga 5-aad, Ee Golaha Dhexe.

REF: XK/XGX/0042146/2015                                           Date: 13/10/2015

KU: Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE     –   Hargeysa

Ujeeddo: Wargelin

Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE inta joogta magaalada Hargeysa gudaheeda, waxa si xishamad iyo qadarin leh loogu wargelinayaa in laga bilaabo 17/10/2015, maalinta Sabtida, xarunta dhexe ee xisbiga laga bilaabayo diyaarinta kaadhadhka aqoonsiga kalfadhiga 5aad ee Golaha Dhexe.

Sidaas darteed, waxa laga rabaa in xubin kastaa keento laba sawir ama ay sawirka iskaga qaadaan xarunta xisbiga.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE

Xasan Siciid Yuusuf

 

Exit mobile version