‘Axmed Siilaanyo Waxa Kelyo U Noqday Ciidanka RRU-Da Ee Dawlada Ingiriisku U Tababartay La Dagaalanka Argagixisada Oo Rasaas La Dhaca Shacbiga.
‘Xukuumad ku sifowday bulshadii sodooratay u adeegsiga awood ciidan, majaro habaabinta rabitanka bulshada,
‘Waxay bulshada ku qasabtay in masiirkooda ka turjunto cid aanay rabin kana beensheegto doonistooda,
Hargeysa,(Wajaalenews) dhacdadii Gabiley ee Jimcihii dhaweyd maaha tii ugu horaysay ee xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay rasaas nool ku furto dad rayid ah oo banaan-baxaya.
Dalka waxa ka dhacay mudaharaado badan dhamaana xukuumadu waxay u adeegsatay xabad nool taasi oo galaafatay boqolaal muwaadin qaarna naafaysa qaybaha jidhkooda dulmaaga laga galay aanay jirin cid ay u raacaan.
Intii uu Siilaanyo xukunka hayeyba dhaqan bay u ahayd in uu xoog ciidan ku cabudhiyo dhaqdhaqaaq kasta oo ay dadku isku dayaan inay ku cabiraan dareenkooda iyo rabitaankoodaba taas oo ka mid ah xuxquuqdooda distooriga ah.
Afarta sanadood iyo dhawrka bilood ee uu xilka soo hayey waxa ina soo maray dhacdooyin badan oo ciidamada Bileyska ee RRU-du ku dileen kuna dhaawaceen muwaadiniin tiro badan oo reer Somaliland ah, kuwaas oo rasaas la qabadsiiyey iyagoo isku soo baxay mudaharaadyo salmi ah.
Ayaan daradani waxa ay ka dhacday meelo kala duwan oo dalka ka mid ah oo intay dadkii oo isku soo baxay oon waxba la waydiinin ay ciidamada RRU-du rasaas kala hortageen.
Dadkaas xataa waxa ku jiray qaar iyagoon banaan-baxaynaba oo guryahoodii ku sugan rasaas ooda lagaga qaaday waxa aynu wada xusuusanahay sidii loo galay taageerayaashii Xaqsoor.
Hadii laga isku dayo in laga mudaharaado Raashinka iyo Shidaalka oo qaali-garoobay ama lacagta ardayda laga qaado (food feed and fee) oo la kordhiyey oo dabeeto ay ardaydu cabasho la hortagaan Wasaarada Waxbarashada si loo dhagaysto, hadii ay axsaabta siyaasadu isku dayaan inay dhigaan mudaharaad ay ku muujinayaan mawqifka ay ka taagan yihiin arin ka mid ah arimaha (issues) muhiimka ah ee dalka ka jira iyo hadii ay koox suxufiyiin oo ka cabanaya cagajuglaynta joogtada ah ee xukuumada iyo bileysku ku hayaan warbaahinta madaxabaan ay laamiga qarkeeda isla soo taagan boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ku cabirayaan dareenkooda; dhamaan hindisayaasha noocaas ah hadiiba la isku dayo xukuumada Siilaanyo halkii ay ka sugi lahayd nidaamka iyo amaanka dadka mudaharaadaya uun waxa ay kala hortagtaa rasaas nool.
Hada ogow macaa hadii uu mudaharaadku isku badalo mid rabshado wata bileysku way haystaan qalabkii lagaga hortagi lahaaye, laakiin madaxda bileysku kuma dahanbaabaanba xagga isticmaalka qalabkaasi oo waxay ogyihiin inay uga hawlyartahay rasaasta oo intay hoos u dhigaan dadka ku kala kaxeeyaan kol hadii madaxweynahoodiina taas u ogol yahay, waxaana habdhaqanka caynkaas ah inagaga dhintay ama inagaga dhaawacmay intii uu Siilaanyo madaxweynaha ahaa boqolaal dadkeena ah oo rasaastu leeftay iyagoon waxba galabsan tiiyoo aynu waliba ka wada dharagsanahay wixii loo soo maray xaqiijinta himiladii ahayd in dadku rayigooda cabiri karaan tabashadoodana muujin karaan xuquuqdoodana iyagoo xor ah sheegan karaan.
Axmed Siilaanyo waxa kalyo u noqday ciidanka RRU-da ee dawlada Ingiriisku u tababartay la dagaalanka argagixisada.
Sanadihii dambe markii qaaxo la joogayna wuxuu wakhtiga uu soo maro furimaha wuxuu isku xeeri-jiray furin ciidan oo Ethiopian ah oo uu sooraacin jiray nin Janaraal ahaa oo la odhan jiray Abarre kaas oo uu Siilaanyo wax ka siin jiray (ku laaluushi jiray) lacagta ay taageerayaasha SNM ee Khaliijka ku nooli ururka u soo diraan.
Kol hadii ciidan ka amar qaata helana marka ay u baxdo sanqadh uu ka didaaba maaha nin ka xishoonaya inuu ciidankaasi u adeegsada dadkiisa.
Sidaas darted dhacdadii Gabiley ee jimcihii dhaweyd ee ciidamadii RRU-da ahaa ee Hargeysa laga diray ay rasaasta ku fureen dumar iyo caruur banaan-baxaya iyagoo ka xun Sarkaalkii deegaanka u dhashay ee sida foosha xun loogu dilay iyo isaga iyo sarkaal kale oo reer Dilaad ah meesha la yidhaahdo Qori-lugud ma noqonayso dhacdadaasi tii ugu dambaysay ee noocan ah ee Bileyska RRU-du rasaas nool u adeegsadaan dad mudaharaad salmi ah isugu soo baxtay ay, hadii aan umadan iyo waxgaradkeedu si adag uga hortagin habdhaqankan uu Siilaanyo caadaystay in dad rayid ah la iska laayo, waliba hadhowna laba Cali wax iska waydiin.
Haday mushkiladu tahay oo kaliya askarta bileyska oo ka baqata shiidka, dhalinyarada dhagax-tuurka yaqaana ee hadh iyo habeenba xaafadaha isku dhex eryada ayaa inta la tababaro askar Bileys laga dhigan karaaye, wuxuuse xalku ku jiraa in marka hore sid ii hogaanka sare ee dalka loogu sandulayn lahaa in uu u arko rasaas lala dhaco dad rayid ah oo banaan-baxaya inay xaaraan iyo dambi tahay oo lagala xisaabtami doono in falawgeed la qabto.