WAJAALE NEWS

Dawladda Soomaaliya Oo Malaayiin Doollar Ku Raadinaysa Hoggaamiyaha Al-shabaab

Muqdisho(Wajaalenews)– Taliyaha cusub ee ciidamada nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka Soomaaliya, Col. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare ayaa maanta ku dhawaaqay in lacag laba milyan oo doollarka Mareykanka ah dul-dhigeen hoggaamiyaha cusub ee Xarakada Al-shabaab, Sh. Axmed Cumar Abuu-Cubeyda.

Col. Tuur-yare ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladda Somalia ay go’aansatay inay siiso qofkii soo sheega xog ku saabsan in la dilo hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab ay siin doonto lacag dhan laba milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in qofkii keena macluumaad sahli karta in lasoo qabto isagoo noolna ay siin doonaan lacag dhan laba milyan oo doollar, iyadoo go’aankan uu imaanayo xilli bishan horraanteedii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Godane duqeyn diyaaradeed oo masuuliyaddeeda ay sheegatay dowladda Mareykanka ”Qofkii xog ku saabsan hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab, waxaan u ballan-qaadaynaa inaan la shaacin doonin magaciisa iyo sawirkiisa, sidoo kalena la siin doonaan lacagta ay ballanqaadeen,” ayuu yidhi Col. Tuur-yare.

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdo lacag malaayiin doollar ah oo ay siinayso ciddii keenta xogta hoggaamiyaha Al-shabaab, iyadoo kooxdan ay dowladda kula jirto dagaal hubeysan.

Ma jirto cid kale oo ka tirsan saraakiisha sare ee Al-shabaab oo dowladdu ay sheegtay inay dul-dhigtay madaxooda lacag, waxaana arrintan ay timid xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay qorsheynayaan in Al-shabaab ay ka saaraan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin.

Hoggaamiyeyaasha sar-sare ee Al-shabaab ayaa waxaa horay madaxooda lacag dul-dhigay Mareykanka, waxaana xubnahaas ka mid ahaa Godane oo ay toddobaadyo ka hor a y ku dileen duqeyn dhinaca cirka ah.

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version