HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay Xaflada Qalinjebinta ee Jaamacada Golis University oo xaflad u qabatay Ardaydii sanadkan ka baxday jaamacada
xafladaasi oo lagu qabtay Hotel Mansor Hargeysa, Madaxweynaha oo Ardayda hadalo duco iyo Dardaaranba u soo jeediyey ayaa ka dibna gudoonsiiyey 10 kii Arday ee ugu sareeyey Jaamacada Shahaado Sharaf, ay jaamacadu ugu talo gashay Ardaydaasi iyo Sidoo kale Odayaal iyo masuuliyiin ay jaamacadu u garatay shahaado sharaf ay ku mutaysteen doorka ay jaamacada ka ciyaareen.
ugu danbayna waxa dhamaan Ardaydaasi qalinjebisay maanta Caawa Casuumad balaadhan oo casho sahraf ah u sameeyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo horena Casuumado sidan oo kale ah u sameeyey Ardaydii ka qalinjebisay Jaamacada Camuud ee Boorama iyo Shalay oo ay Qalinjebiyeen in ka badan 416 Arday oo dhamaysatay Jaamacada Admas university wasiirkuna uu xalay casho sharaf ugu sameeyey hotel Mansor hargeysa