WAJAALE NEWS

DAAWO;-Musharax Maxamed Maxamuud Xirsi (Guray” Oo Kormeeray Goobaha Ay Diwangalintu Ka Socoto Ee Deegaano Katirsan Gobolka Maroodi Jeex.

HARGAYSA(W,N)- Musharax Maxamed Maxamuud Xirsi (Guray) Oo kamid musharixiinta Utartamaya xildhibaanada golaha Wakiilada ee gobolka maroodi jeex iyo wafti uu hogaaminayo  Ayaa kormeer kusoo maray goobaha ay diwaangalintu kasocoto Ee deegaanada wada bariis iyo sayla galbeed ee gobolka maroodi jeex.

Musharax Garyaqaan Guray iyo xubnaha ku weheliyay kormeerka ayaa ka warbixiyay sida ay diwaan galintu uga socoto goobaha ay kormeer kusoo mareen.

Dhanka kale Musharax Maxamed Maxamuud xirsi ayaa komishanka doorashooyinka ugu baaqay in ay shacabka deenaada usoo kordhiyaan goobaha ay iska diwaan galinayaan maadama ay dadka ku yar yihiin goobuhu isagoo Bulshadana  ugu baaqay in ay qaataan kaadhka codbixinta.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version