WAJAALE NEWS

6 Ka Mid Ah Al-shabaab Oo Maraykanku Ku Dilay Weerar Uu Ka Fuliyey Gudaha Somalia.

diyaarada marayskankaMuqdisho(Wajaale News):-ugu yaraan ka mid ah Xarakada Al-shabaab ayaa ku dhintay Weerar habeenimadii Isniintii Maraykanku ku qaaday Kooxda Al-shabaab meel u dhaw Baraawe oo xarun u ah Al-shabaab.w

Dawladda Maraykanka ayaa wali sheegaysa inay qiimaynayso cida weerarkaasi ku dhintay. John Kibry oo ah Afhayeen Maraykanka u hadlay ayaa sheegay in Bartilmaameedku ahaa Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane balse lama oga inuu ku dhintay hawl galka iyo inkale.waxa uu maraykanku sheegay inay weerarka qaadeen iyagoo isticmaalaya Macluumaad sirdoon oo la isku halayn karo.

“Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka oo isticmaalaya Diyaaraddaha aan Duuliya lahayn iyo kuwa duuliyaha leh waxay hawl gal ay fuliyeen ku burburiyeen Xero Al-shabaab leedahay iyo Gaari, waxaana loo adeegsaday Dhawr gantaal oo ah kuwa Holaca wata iyo kuwo gantaalaha la hago. Waxaa lagu bartilmaameedsaday Al-shabaab gaar ahaana Hogaamiyahooda Axmed Cabdi Godane” ayuu yiri Admiral ohn Kirby.

Afhayeenkan u hadlay Maraykanka ayaa sheegay in haddii Axmed Cabdi Godane ku dhintay ay Al-shabaab ku noqon doonto dhirbaaxo xun oo ku dhacday islamarkaana ururka ku noqonayso mid furfurta isku xidhnaantiisa.

Ilaa hadda ma cadda Wararka rasmiga ah ee ku saabsan khasaaraha Weerarka Maraykanka balse wararka Warbaahinta Caalamiga ah iyo kuwa Soomalidu baahinayso ayaa sheegaya in Kolonyada la weeraray ay la socdeen Xubno sarsare oo Al-shabaab ah kuwaasi oo ku sii jeeday Baraawe.

Dadka degaanka ku sugan ayaa sheegaya in Al-shabaab isku gadaantay Meesha weerarku ka dhacay ilaa haddana aan laga heyn wax war ah oo madax banaan. Dadka ayaa sheegay in ilaa 10 Gantaal ku dhaceen Goobta la beegsaday.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version