Muqdisho (WJN)– Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Soomaaliya ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa siweyn uga soo horjeestay qoraalkii Madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kulankii Nairobi ku dhaxmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya.
Wuxuu arin qalad ah ku tilmaamay in Madaxtooyada Soomaaliya xiligan Shacabka Soomaaliya u sheegto in ay heshiis gaadheen Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la ogyahay in aan xitaa leysku soo qaadin nuxurka arintii markii horeba khilaafka keentay ee badda.
Warbaahinta Soomaaliya ayuu ku booriyay in ayna soo qaadan oo kaliya warka ka soo baxay Madaxtooyada, laakiin taa badalkeeda looga baahan yahay in ay sameeyaan baadhitaan intaa ka badan oo la xidhiidha kulanka ka dhacay magaalada Nairobi.
“Waa xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliya, in ay Madaxtooyada Soomaaliya tidhaahdo Kenya iyo Soomaaliya way heshiiyeen iyaga oo aan soo hadal qaadin xuduntii khilaafka dhalisay.
‘’Waajib Dastuuri iyo mid Waddani ah weeye in shacabka Soomaaliya runta loo sheego”. ayuu yidhi Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir.