WAJAALE NEWS

Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo Sheegtay In Aanay Sanadkan Isu Soo sharaxayn Doorashada 14 September Ka Dhacaysa Sweden

Hargeysa,(Wajaalenews) – Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo ah mudane ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Jönköping ee dalka Sweden ayaa sheegtay in aanay sanadkan isu sharaxyn doorashada golaha deegaanka ee 14 bisha danbe ee September ka dhici doonta dalka Sweden, Xildhibaan Ifraax oo nasoo gaadhsiisay qoraal kooban ayaa u dhignaa sidan,

Asxaabta iyo eheliyadaba waan idin salaamayaa dhamaantiin.Waxaan idiin sheegayaa inay doorashadii Sweden tahay 14 september iyadoo la dooran doono xisbigii hagilahaa wadankan Sweden 4ta sano ee soo socota,sidaad badidiinu lasocoteen waxaan ku jiray afartii sano ee ugu danbaysay dawlada hoose ee magaaladan aan deganahay ee Jönköping.Waxan ogaysiinayaa taageerayaashaydii soomaaliyeed ee sida mugga waynleh iigu codeeyey inaanan sanadkan is-sharixidoonin sababtoo ah anoo ka cudurdaartay inaanan fulinkarayn xilkaa arimo iigaara oo shaqsiyadeed awgeed.

Exit mobile version