WAJAALE NEWS

Xiisad Colaadeed Oo Ka Taagan Dalka Ciraaq.

Xiisada ayaa ka dhax taagan, Shiicada, Suniyiinta, iyo Kurdiyiinta, iyadoo Ra’iisal wasaare Maliki uu sheegay in uu doonayo in mar kale uu qabto

Xoogaga ammaanka iyo maleeshiyo shiica ah oo taageersan Ra’iisal wasaaraha Ciraaq Nouri al-Maliki ayaa la geeyey goobo muhiim ah oo ku yaala caasimada Baqdaad iyo daafaheeda.

Talaabadaas ayaa daba socota khudbad uu al Maliki ka jeediyey telefishenka oo uu ku sheegay in uu doonayo in maxkamad la tiigsado madaxweynaha oo kurdish ah lana yiraahdo Fuad Masum. Waxa uu ku eedeynayaa in uu ku xadgudbay dastuurka.

Xiisada ayaa ka dhax taagan, Shiicada, Suniyiinta, iyo Kurdiyiinta, iyadoo Ra’iisal wasaare Maliki uu sheegay in uu doonayo in mar kale uu qabto xilka Ra’iisal wasaarenimo.

Dhinaca kale xoogaga kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen laba magaalo oo ay markii hore qabsadeen xoogaga suniyiinta ah ee Daacish.

Saraakiisha ayaa sheegaya in arrintaasi ay u suurtagelisay, duqeynta uu maraykanka la beegsanayo dagaalyahanada suniyiinta.

Hargaysa Office
wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version