Hargeisa(Wajaalenews) ;Maanta, Midowga Yurub iyo Oxfam waxay daah-fureen barnaamij soconaya saddex sano oo sare loogu qaadayo laguna kaabayo wax soo saarka kalluunka Soomaaalida. Mashruuca maanta la bilaabay wuxuu ka mid yahay barnaamij 5 Milyan Euro ah oo laga hirgelin doono Somaliland iyo Puntland. Hadii lagu guulaystana waxaa la gaadhsiin doonaa gobolada kale ee Soomaalida.
Biyaha badda Soomaalidu waxay ka mid yihiiin kuwa ugu qanisan goobaha kalluumaysiga ee Afrika. Iyada oo ay jirto awood baaxad wayn oo kalluumaysiga ah iyo horumarinta dhulka xeebaha ah. Haddana waxa jirta in waaxda kalluumaysigu aanay horumarsanayn taasi oo ay keentay iyada oo aanay kalluumaysatadu lahayn xirfaddo si ay guddaha badda ugu galaan. waxaa ka maqan sida iyaga oon haysanin (Doonyo iyo qalab kulluumaysi) iyada oo aanay jirin shuruuc maamulasha. Barnaamijka qaybta u gaarka ah Somaliland oo maanta la bilaabay ayaa waxa fulinya hay’ada Oxfam iyo Ururka maxaliga ah ee Havoyoco iyaga oo la shaqaynaya Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda. Ayaa waxay sarre u qaadayaan awooda farsmo ee wasaaradda, waxayna horumarinyaan farsamadda technologyada ee kalluumaysatada, samaynta nidaam lagu bixiyo liisanka iyo ilaalinta heererka tayada, abuuritaanka nidaam lagu wadaagayo xogta suuqa, inuu bixiyo macluumaad ku saabsan faa’iidooyinka caafimaad ee kalluuunka iyo in la sameeyo qiimayn lagu samaynayo deegaanada xeebta ah.
“Mashruucani wuxuu ka qayb qaadanayaa horumarinta waaxda kalluumaysiga wuxuuna taageerayaa awooda farsamo ee wasaaradda iyo dhamaan waaxda kalluumaysiga. Waxa sidaa yidhi Cali Jaamac oo ah Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda. Waanu la shaqaynaynaa Midowga Yurub, Oxfam iyo shuraakada si uu si fiican u fulo mashruucani.”
” Waxaa jira fursado waawayn oo kalluumaysi oo aan laga faa’iidaysan taasi oo keeni karta faa’iidooyin dhaqaale oo muhiim u ah dhulka xeebaha, Waxaa sharaxay Safiirka Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso. Waanu ku faraxsanahay inaan taageerno qorshaha wakhtigan kaasi oo quudinaya qoysas, wax ka bedelaya hab-nololeedka bulshooyinka xeebaha, samaynaya fursado shaqo, kobcinaya wax-soo saarka kalluunka iyo dhoofintiisa, iyo inuu noqdo meel muhiim ah oo dakhli ka soo galo Soomaalida.”
“Horumarinta xirfadaha kalluumaysiga, habka loo soo saaro, iyo suuq-gaynta kalluunka ayaa waxay ku adag tahay hab nololeedka dad badan oo xeebaha ku nool,” Waxaa sidaa yidhi Enzo Vecchio, Agaasimaha Dalka ee Oxfam. Mudada dheer barnaamijkani wuxuu u adeegayaa inuu dhiso adkaysiga bulshooyinka xeebaha ku nool.
“Mashruucani wuxuu horumarinyaa nolosha dadka kalluumaysada ah iyo qoysaskooda sidoo kalena ta bulshada guud iyada oo loo fududaynayo helitaanka kalluunka iyo wax-soo saarka badda. Sidoo kale waxay ka caawinaysaa dawladda sidii ay isugu dheelitiri lahad fududaynta iyo hagida waaxda kalluumaysiga, Si loo hubiyo in la sameeyo kalluumaysi la isku halaynkaro oo jiilka mustaqbalka ah.” Waxaa yidhi Cumar Cabdillahi oo ah Agaasimaha Fulinta ee Havoyoco. (Dhamaad)
Macluumaad ku saabsan mashruuca
· Somaliland waxay leedahay xeeb dhererkeedu leegyahay 850km taas oo isku xidha Badda cas iyo badwaynta Hindiya.
· Dhisida awooda farsamo ee waaxyaha dawladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Mashuruucani wuxuu socon doonaa muddo saddex sano ah waxaan maaligeliyay Midowga Yurub wuxuuna socon doonaa 2014-2016ka
Sidee Mashruuca loo fulinayaa:
Mashruucu wuxuu dhisayaa awoodaha farsamo ee Wasaaradda Kulluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo waaxda ganacsiga gaarka loo leeyahay si sarre loogu qaado loona maamulo khayraadka badda. Tana waxa lagu gaadhayaa in
3. In la dhiso awooda farsamo ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda si ay si fiican u maamulsho khayraadka badda iyo deegaanka xeebta.
· Dhisida tayada dugsiyada maxaliga ah iyadoo laga caawinayo technologyada kalluumaysiga iyo maamulka khayraadka badda iyadoo la barayo aqoon iyo farsamo.
· Taageerida horumarinta nidaam lagu bixinayo liisanada.
· Dhisida awooda farsamo ee wasaaradda Kalluumaysiga si ay u samayso nidaam lagu ilaalinayo tayada
· Dhiirigalinta Kalluumaysatada iyo ganacsatada iyo jilaasha kale si ay u isticmaalaan nidaamka ilaalinta tayada iyo nidaamka liisanka.
· Samaynta nidaam la heli karo xog ku saabsan suuqa kalluumaysiga.
· In la baahiyo macluumaadka ku saabsan faa’iidooyinka caafimaad ee kalluunka iyo khayraadka badda.
4. Dejinta iyo hirgelinta siyaasadda iyo xeerarka lagu ilaalinayo laguna maamulayo khayraadka badda iyo bii’ada deegaanada xeebaha.
· Waxaa lala shaqaynayaa hayadaha gaarka loo leeyahay si u sameeyaan qiimayn bii’ada deegaanka xeebaha
· Socodsiinta iyo u doodista heer gobol ee fulinta heshiiska Basel ee ku saabsan dabar-goynta iyo ku tuursita walxaha sunta ah ee badda.