Hargeisa(Wajaalenews)Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa shalay Tababar uga furay xarunta cusub ee wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha shaqaalaha wasaaraddaasi, kuwaas oo lagu tababarayo shaqooyinka ay u xil saaran yihiin.Wasiir Cali Xaamud Jibriil oo ka hadlay furitaankii Tababarka shaqaalaha wasaaraddiisa ayaa sheegay ujeedada laga leeyahay inay tahay in shaqaalaha qof walba gaarkiisa loogu tababaro shaqada uu u xil saaran yahay.
Sidoo kale, wasiir Cali Xaamud waxa uu sheegay Tababarkani in uu yahay mid lagu kala ogaanayo aqoonta iyo tayada shaqaalaha wasaaradda oo aan hore wax tababaro ah u helin, isagoo sheegay qof kasta marka uu tababarka dhamaysto in lagu qiimayn doono kartidiisa iyo sida uu uga faa’iidaysto Tababarka.
Wasiir Cali Xaamud Jibriil ayaa shaqaalaha wasaaraddiisa ka codsaday inay Tababarkan ka faa’iidaystaan isagoo xusay in uu wax badan ka tari doono shaqada ay Qaranka u hayaan, isla markaana ay ku salayn doonaan shaqaalaha danbe ee ay qaadan doonaan baahiyaha ka soo baxa qiimaynta ka soo baxda Tababarkan.
Cali Xaamud waxa uu shaqaalaha kula dar-daarmay inay xil culus iska saaraan sidii ay u kobcin lahaayeen Wasaaradda, maadaama uu ku cusub yahay, waxaanu ku booriyey inay isku xil-qaamaan waaxyaha ay ka hawl galaan sidii ay dhexdooda ugu tartami lahaayeen.
Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha oo ku jiri jirtay xafiis ka soo horjeeda Madaxtooyadda ayaa u guurtay guri ku yaala ka soo horjeedka xarunta Manaahijta ee u dhaw Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici.
Wajaalenews.net
Hargeisa/Office