WAJAALE NEWS

Ugaas Xuseen Geele Oo Sheegay Inay Beeshiisu Kalsoonidii Xukuumada Kala Noqotay, Kuna Tilmaamay Suldaan Yuusuf Xiirey Guul-Wade

Hargeys(Wajaalenews)- Ugaas Xuseen Geelle Abokor oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Bariga Hargeysa, ayaa ganafka ku dhuftay hadal kasoo yeedhay Suldaan Yuusuf Xuseen Xiirey, kaasoo nuxurkiisu ahaa in aanay Beelaha Bariga Habar Yoonis u gudbi karin Galbeedka Hargaysa la’aantiisa.

Ugaas Xuseen Geelle oo Maanta ka hadlayey Qado-sharaf Xisbiga WADANI u sameeyey Salaadiinta, ayaa daba socday dhawaaq aan raali gelin Hal-doorkii kulankaa kasoo qeyb galay oo kasoo yeedhay Suldaan Xiirey, kaasoo ahaa “..Haddii la tegayo Galbeed waa in Aniga la i soo maraa..”. Hase-yeeshee, isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa kusoo kacay Ugaas Xuseen Geelle oo ku dhawaaqaya ereyo ay ka mid ahaayeen “.. Naga fadhiiso waxaad tahay Guul-wade indho la’e..”, waxana uu hadalkaas ku tilmaamay mid aan sal lahayn oo deel-qaaf ku ah milgaha Madax-dhaqameedka, Salaadiinta iyo guud ahaan qeybaha kale ee bulshada, isagoo sheegay in aanay Beelaha Habar Yoonis Deegaan kala lahayn, isla markaana dhaq-dhaqaaqyada Habar Magaadle ay yihiin kuwo balaadhan oo aanay iyagu horjoogsan karin, taasoo ay ku waafaqeen Salaadiintii ee madasha goob-jooga ahayd.

Dhinaca kale Ugaas Xuseen Geelle waxa uu ku baaqay Shir aayo-ka-tashi oo ay isugu yimaadeen Aqoonyahanka, Wax-garadka Bariga Hargeysa, kaasoo lagaga arinsan doono danta iyo Maslaxada Deegaankaas, waxana uu Ugaasku sheegay inay Deegaanka Bariga Hargeysa ka fiirsan doonaan mawqifkooda ku aadan inay kalsoonida kala noqdaan Xukuumada talada iyo kale.

Arintan ayaa kusoo beegantay xili ay ka socdaan Magaalada Hargeysa iyo Gobolada Bariga dalkaba dhaq-dhaqaaqyada Habar Magaadle oo ay fiinta uga qeyliyeen Wasiirada Xukuumada kaga jira Beelaha Habar-magaadle, isla markaana ay sameeyeen hawl-gallo kala duwan oo ay ku damacsanaayeen inay arintaa ku baajiyaan, iyagoo mudooyinkii ugu dambeeyey Wasiirka Arimaha Guduhu ku hawlana kala qeybinta Beeshiisa ayaa waxay u eg-tahay mid uu Ugaaskuna ku doono mideeyo.

 

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version