Orodyahanka dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka somaliland laakiin ku orda magaca wadanka Ingiriiska ee Mo Farah ayaa ku guulaystay bilada dahabka ah ee orodka 500om.
Mo Farah oo ka qayb galaya tartanka orodada ee ka socda wadanka China, waana biladii labaad ee dahab ah ee uu ku guulaysto mudadii uu socday tartanka Chine isaga oo hore ugu guulaystay tartanka orodka 10,000m
Biladan dahabka ee uu haatan ku guulaystay orodyahanka Mo Farah ayaa noqonaysa biladii todobaad ee dahab ah ee uu ku guulaysto, taas oo sare u qaaday sumcada wadanka ingiriisku ku leeyahay ciyaaraha fudud ee orodku ka mid yahay –