WAJAALE NEWS

Sideed ku Xoojin Kartaa Jacaylka Xaaskaaga Ama Qoyskaada? Qaado Talooyinkan.

Sideed ku Xoojin Kartaa Jacaylka Xaaskaaga Ama Qoyskaada? Qaado Talooyinkan.

 

 

 

Sided ku xoojin kartaa jacaylka qoyskaaga ama gurigaaga adigoo isticmaalaya ama maraaya wadadii ilaahay kuu baneeyey ee ay ogoshahay diinteena islaamku adigoon isticmaalayn wax aan diinteenu ogolayn.

Marka aynu nahay dad muslim ah waxaa wanaagsan in aynu isticmaalno ama aynu samayno wixii ilaahay iyo diinteenu inoo ogoshahay maaha in aynu ku dayano dadka bilaa diinta ah ee iyagu u dhaqma sida xoolaha oo kale ee ilahay ku sheegay in ay yihiin kuwa ka sii liita xoolaha.

Markaa manta waxa aynu eegaynaa sida u sahlan ee lamaanaha is qabaa ayku xoojin karaan jacaylkooda iyo in ay ku noolaadaan nolal farxad badan oo kalgacal ku dheehan yahay iyadoo dadka is jecel laga garto carruurtooda marka aad aragto carruur si wanaagsan oo tarbayid ka muuqato u socda oo aad aragto iyagoo qurux badan waxaad garan kartaa in ay dhaleen waalidiin is jecel markaa waa in aynu ku dedaalnaa jacaylka qoyska.

 

Hadaba  Qaado Talooyinka Hadii aad Doonayso in ay Xaaskaaga Ku Jeclaato.

 

  • Marka ugu horeysa la kaalay wixii Allah ku faray.
  • Ku dadaal in aad Rasuulkeenii(scw) aad ku dayato inta ugu badan.
  • Xaaskaaga marka ay kula hadlayso dhegayso hadalna ha ka hor keenin.
  • La hadal xaaskaaga adigoo dhoola cadaynaya.
  • Iska ilaali in aad xaaskaaga la tirsato ama aad noqoto mid la murma.
  • Xaaskaaga ugu yeedh magaca ay jeceshahay ama kuwo amaan ah
  • Xaaskaaga ka ilaali waxa ay necebtahay ama ayna jeclayn
  • Xidhiidhi dadka ay gabadhaadu jeceshahay sida waalidkeed.
  • Xaaskaaga waydii talooyinka qaarkood marka ay ugu yartahay.
  • Xaaskaagu waa in ay dareentaa in aad jeceshahay oo dadka ka dhawayso.
  • Xaaskaaga ugu mahad celi shaqo kasta oo ay kuu qabato.
  • Xaaskaaga u bari ilaahay in uu jacaylkaaga galiyo.
  • Xaaskaaga waligaa ha u sheegin been yaanay  kuu qaadan beenaale.
  • Ha kaa hesho wixii ay kaaga baahato ee aad hayso una gacan furnow.
  • Xaaskaagu ha kaa hesho xaqeeda gogosha waliba xiliga ay rabto hadii aanad ahayn mid xanuunsanaya.
  • Noqo mid la sheekaysta xaaskiisa oo la kaftama kaftankaas oo aan ahayn mid ay cay ku jirto laakiin ah mid uu jacayl ku jiro ha ula kaftamin sida raga oo kale.
  • Hadii aad awoodo noqo mid xaaskiisa iyo qoyskiisa dalxiis geeya.

Waxaa hubaal ah hadii aad raacdo talooyinkan in ay wax badan kaa tari doonto oo aad noqon doonto mid farxad ku nool waxaanu isku dayi doonaa in aan si xidhiidh ah idiinku soo gudbiso wajaalenews………….

 

La soco maqaalka ku xiga oo  ah Dumarka .

 

Qalinkii:- Mohamed Ali Mataan.

 

Exit mobile version