Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, ciidanka qaranka Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee X/le Marxuum Axmed Cabdi Cilmi (Sanqadhyare) oo Cusbitaalka guud ee Hargeysa ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 12/05/2018, magaalada Hargeysa, iyadoo uu u geeriyooday marxuumku xanuun kaga soo booday wadnaha.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, ciidanka qaranka Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Afhayeenka Madaxweynaha JSL.