Hargeysa(Wajaalenews);-Musharaxa Jagada Madaxweyney ee Xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in Xadhiga Xildhibaan Jaamac Riyo yahay mid sharciga baalmarsan. Waxa kale oo uu sheegay in shaqaaqada ka jirta Baliga Diiriye Guuleed ee Duleedka Burco Xallinteeda Xukumaddu u martay jid ka duwan jidadkii xukumaddaha hore u mari jireen islamarkaana aanay arintii wali afjarin.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya Aragtidiisa ku aadan Xadhiga Xildhibaan Jaamac Riyo oo ay is farasaareen Xildhibaan Nacnac ayaa yidhi “Arintaasi Waxaanu u Aragnaa arin Sharcigii lagu tuntay, waynu ognahay oo Ninka Xildhibaanka ah ee Baarlamaanka ka tirsani waxa uu leeyahay Xisaanad gaar ah oo Sharcigu siiyay oo aan markiiba Xabsiga lagula carari karin, iyadoo dambi weyn oo Maxakamad la soo taagay uu galay mooyaane. Falal hore oo noocan oo kale ahi way dhaceen oo Xildhibaano is fara saaray ahi way jirtay, laakiin sababta Xildhibaan Jaamac Riyo loogu riday Xabsiga maanaan fahmin, waxaanuna u aragnaa inay tahay Cabudhin, waxaynu ognahay in Jaamac Riyo Sameeyay Suugaan badan oo Xukumadda hada jirta ka soo horjeeda, waxaanu ognahay inaanu Kulmiye taageersanayn ee uu Xisbiga Ucid taageersan yahay Jaamac Riyo”
Dhinaca kale waxa uu Aqoon yahan ka hadlay sida uu u arko sida Xukumaddu u wado Xalinta Khilaafka Dhul ee laba beelood kaga dhexeeya degaanka Baliga Diiriye Guuleed ayaa yidhi “Sida ay Xukumaddani u wado, waa si ka duwan sidii Xukumadihii hore ee Somaliland u wadi jireen.waxaynu ognahay Xukumaddihii hore ee Somaliland marka ay Shaqaaqadan oo kale dhacdo, waxaa gali jiray Wasiirka Arimaha gudaha oo adeegsanaya Madaxdhaqameedka oo waliba beelo kala duwan ka yimid. Wuxuu ahaa arin Madaxdhaqameed ee muu ahayn arin siyaasiyiini gasho. Xukumadduna intay wefti wasiiro ah dirtay ayuunbay haddana wefti kale oo Xukumadda uun taageersan ka daba dirtay Arintiina soomay afjarin.taasi waxay ku tusaysaa in wado khalad ah loo maray, markaa waxaanu leenahay Arinkani waa arin soo jireen ah, laba beelood oo Somaliland ahi waligood way isasoo dili jireen ee wado sax ah u mara”