WAJAALE NEWS

Markab Nooca Xamuulka Ah Oo 15 Baabur Ku Daadiyay Bada Si Uu U Badbaado.

Bmarkaberbera (Wajaalenews)- Markab u rarnaa ganacsato reer Somaliland ah oo siday shixnado alaab ganacsi ayaa Shalay ku soo xidhay dekeda Berbera isagoo sida alaab burbursan,markabkan ayaa la sheegay inuu dirqi kaga soo samato baxay biyaha bada kadib markii dhawr jeer uu ku ciiray Badda dhexdeeda culaysbadan oo saarnaa iyo biyaha bada oo aad u kacsanaa awgood,balse waxa uu fududaaday kadib markii alaabtii uu siday badh ka mid ah lagu daadiyay bada intii uu ku soo jiray dhexda.

Sida aanu Ku helnay Ilo Xog Ogaal ah, Markabkan oo lagu magacaabo shaakir waxa wakiil ka ah shirkada Oomaar ee wadaniga ah.

waxaanu alaabtan ganacsatada uu u siday ka soo qaaday todobaadkii hore Dekeda Malaada Dubai ee Isutaga imaaraadka Carabta,markabkan ayaa intii uu Bada ku soo jiray waxa uu dhawr jeer ku sigtay inuu bada la quuso alaabta iyadoo la sheegay marar badan culayska alaabta awgeed uu bada ku dhex ciiray,arintaasi oo keentay cabsi badan iyo wal wal soo food saaray ganacsatii alaabtu u saarnay oo todobaadkanba raad caynayay inuu markabkani soo sabata baxo oo uu soo gaadho Marsada Berbera.

Markabkan ayaa intuu dhexda ku soo jiray laga daadiyay 15-gaadhi oo u rarnaa ganacsato reer Hargeysa ah si loo dhimo culays badan oo uu tabayay markabku,waxaa kale oo la sheegay in bada lagu dhex daadiyay alaab badan oo kale oo iyaduna ka mid ah rarkii uu siday,waxaanu markabani uu shalay soo gaadhay Dekedab Berber oo uu ku soo xidhay isagoo sida alaab burbursan,siiba gaadiidka saaran ee ka soo hadhay kuwii bada lagu dhexdaadiyay ayaa la sheegay inay intooda badan burbursan yihiin,arintaasi oo loo aanaynayo ciir ciiri taankii badnaa ee uu bada la soo rafaadayay inay keentay burburkan alaabta uu Berbera keenay ku timid.
Waxaa Shalay Marsada Berbera ka taagnaa guux badan iyo muran ka aloosmay markabkan alaabtii uu siday badhna Biyaha Bada Lagu soo daadiyay,inteedii kale oo burbursana la keenay Berbera,iyadoo dhinaca kale aanay jirin heshiis adag oo sharci ah oo u kala yaala maraakiibta Dekeda Berbera ka hawlgala iyo Ganacsatada,taasi oo ay sabab u tahay maraakiibtan oo aan ku jirin wax caymis ah oo caalami ah,oo wixii khasaare ah ee ku yimaada ka fududayn karta oo ay inoogu wacan tahay aqoonsi la’aantu,balse waxaa jira heshiisyo aan sidaa u buurnayn oo afka ah oo aan khasaarahan imika yimid oo kale wax magdhaw ah ka bixinayn.

Hargaysa Office
wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version