WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo Go’aamo Ka Soo Saaray Khilaafka Dhuleed Ee Degaanka Baliga Diiriye Guuleed

Hargeysa(Wajaalenews)-Madaxweynaha Somaliland ayaa laalay go’aamo Guddi wasiiro ah hore uga soo saartay Shaqaaqada Baliga Diiriye Guuleed oo laba beelood isku khilaafsan yihiin.

Kulan foolka fool ah oo dhex maray Wefti Odayaal ah oo ka socday beesha Cabdalle Arab iyo Madaxweyne Siilaanyo, kaasi oo lagu lafa guray waxa uu salka ku hayo khilaafkaasi.

Weftiga Odayaasha iyo Waxgaradka ah ee Madaxweynaha la kulmay oo uu hogaaminayay Suldaanka Guud ee Beelaha Cabdale Arab Suldaan Maxamed Ismaaciil Jaamac Fool Gaawe ayaa madaxweynaha u dhigay aragtidooda iyo dooda ku aadan Lahaanshaha Degaanka Baliga Diiriye Guuleed, iyagoo waxii caddaymo ah iyo dood ahba Madaxweynaha u gudbiyay.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay dhinaciisa wehelinayeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa ka garaabay in xukunkii degdega ahaa ee ay Xubno Wasiiro ahi ka soo saareen Muranka dhulkaasi uu ahaa mid aan ku filayn xallinta khilaafka labada Beelood isla markaana uu hortooda ka balanqaaday in uu laalay xukunkaasi. waxa uu sidoo kale balan qaaday madaxweynuhu in Guddid miisaan leh oo guurtidu hogaaminayso islamarkaana labada beelood ee khilaafku ka dhexeeyo aanay ku jirin.guddidaasi ayaa xallinaysa dalka khilaafka dhuleed ee degaanka Baliga diiriye Guuleed.

Khilaafka labada Beeleed ee Habarjeclo iyo Cabdale Arab ee Lahaanshaha Baliga Diiriye Guuleed ayaa waxa uu keenay dagaal ka qarxay deegaankaasi, kaas oo ay ku dhaawacmeen inta la og yahay ilaa afar qof.

 

Exit mobile version