Cadaado(Wajaalenews)-Qarax xooggan ayaa lagu qaaday Xarunta Kafaalo ee uu ka socdo Shirka maamul u samaynta gobolada dhexe ee Galgaduud iyo Mudug ee xaruntoodu tahay Cadaado. Gaadhi laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray halka ay ku sugan yihiin ergooyin badan oo shirka ka qayb qaadanaya, waxaana intaas ka dib la maqlayay Rasaas la is waydaarsaday.
https://youtu.be/eYB1oYTGHns
Goob-joogeyaal ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya ee shirka ilaalinayaa ay rasaas xad dhaaf ah fureen markii qaraxu dhacay, ilaa haddana lama oga khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhacay.
Xaalada ayaa aad u kacsan magaalada Cadaado, laamaha ammnigana waxaa ay mashuul ku yihiin sidda ay wax badan uga ogaan lahaayeen sidda uu weerarka u dhacy iyo khasaaraha ka dhashay intaba.
Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jiray Somalia iyo waddamada taageera ayaa sheegtay Masuuliyadda Weerarkan
Warbaahinta dowladda waxay sheegaysaa in ciidammada ammaanka ay fashiliyeen weerar lagu soo qaadey goobtaasi.
Waxay sheegeysaa in ciidammadu toogteen dhamaan raggii weerarka soo qaadey, iyagoo aan gaysan wax khasaaro ah.
Goobta la weerary waxaa la sheegayaa inay ku sugan yihiin boqolaal ergo ah oo ka qeybgalaysa shirka gobollada dhexe.