WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Kililka shanaad iyo labadiisa ku-xigeen oo khilaaf xoogani ka dhex qarxay iyo Xubnaha Fulinta Xisbiga Dawladd deegaanka oo la kala saftay

JIGJIGA(Wajaalenews);Madaxweynaha oo shaqadii ka fadhiisiiyey mid ka mid ah Madaxweyne ku-xigeenadiisa iyo Hanjabaad la is-dhaafsaday oo laga war sugayo

Jigjiga(Wajaalenews);Wararka laga helayo Caasimadda Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya ee Jigjjiga ayaa tilmaamaya in khilaaf xoogani soo kala dhex galay gudida fulinta ee u arrimisa DDSI. Khilaafkan oo si kadis ah ku dhashay ayaa sababay in ay gudidu u kala jabto laba garab oo aad isaga soo horjeeda.

Xurguftan ayaa ku bilaabantay muran dhex maray madaxweynaha DDSI, Cabdi Cumar, iyo labada madaxwene-ku-xigeen oo kala ah Cabdullahu Yuusuf Weerar iyo Cadifatax Maxamud.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ku eedeeyey labada masuul in ay si sir ah warar ugu gudbiyaan ONLF oo ah jabahad dalka laga mamnuucay, hasayeeshe ku xigeenada ayaa arrintan gaashanka ku dhuftay iyaga oo madaxweynaha ku dhaleeceeyey in uu yahay qof xeerka dawlada ku tumanaya isla markaana ka shaqaynaya abuurida khalkhal iyo amaan xumo gobolka ka dhalata.

Sida ay wararka soo baxayaa sheegayaan waxaa shalay waraaq u qoray gudoomiyaha xisbiga talada haya 7 kamid ah gudiga fulinta iyaga oo dalbaday in shir degdeg ah oo lagu gorfeeyo xaalada siyaasadeed ee DDSI u marayo. Xubnahan ayaa ku doodaya in madaxweynuhu uu ku dhaqaaqay talaabooyin khilaafsan dasduurka kililka iyo ka dalkaba, sidaa darteedna ay muhiim tahay in lala xisaabtamo.

Gudoomiyaha xisbiga ayaa qoraalkii xubnaha gudida fulinta u bandhigay madaxweynaha, arrintaas oo dhalisay in madaxweyanuhu soo saaro wareegto u shaqada kaga joojinayo madaxweyne-ku-xigeenkiisa, Cabdulaahi Itoobiya. Waxaa kale oo uu magaacabay madaxwene-ku-xigeen kale oo magaciisa naloogu sheegay Shukri.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u diray digniino xubnaha kale ee waraaqda qoray.

Waxaa xusid mudan, in gudida fulintu ka kooban tahay 13 xubnood laakiin hal xubin hore looga saarey, halka mid kalena uu geeriyoodey taas oo tirada gudida fulinta ka dhigaysa 11 xubnood.

Waxay u muuqataa in 7 xubnood oo ay ku jiraan 3 madaxweyne-ku-xigeen ay ka biyo diideen maamulka madaxweyne Cabdi cumar, meesha afarta soo hadhay oo ay kamid yihiin madaxweynaha iyo afhayeenku ay isku dhan yihiin.

Labada kooxood ayaa isu hanjabay isla markaana dagaal xaga afka ah isku qaaday iyada oo koox walba ta kale ugu Nidar ugu gashay in ay ka takhalusi doonto.

Waxaa jira warar aan wali la xaqiijin oo sheegaya in masuuliyiinta looga yeedhay Harar halka wefdi ka socda xukuumada federaalka ahi oo ku soo wajahan yahay Jigjjiga.

Gudida fulinta ayaa aad u kala shakiyey intii ka dambeysay shirkii qiimaynta ahaa ee 5 masuul oo DDSI lagula yeeshay xafiiska ra’isul wasaaraha. Intii kullanka ka dambeysey waxaa soo baxay kooxaysi iyo is-gaashan-buureysi.

Khilaafkan ayaa ku soo beegmay xilli dalka la isaga diyaarinayo doorashada sanadka soo socota oo ay adag tahay in la saadaaliyo jihada ay yeelan karto.

 

xigasho: Waaheen media group

 

Exit mobile version